Jimco, September 26, 2014 (HOL) —Dagaal ayaa xalay fiidkii ka dhacay degmada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan.
Dagaalka oo khasaare nafeed dhaliyey wuxuu dhex maray dhinacyo kala taabacsan labada maamul ee Puntland iyo Somaliland. Hal qof ayaa la xaqiijiyey inuu dhintay labo qof oo kalena way dhaawacmeen.
Iska hor imaadka ayaa sida ila wareedyo madax banaan oo Dhahar ku sugani ay Hiiraan Online u xaqiijiyeen wuxuu bilowday kadib markii lagu murmay dhismaha golaha deegaanka Dhahar.
Dhanka kale waxaa maanta la doortay duqa degmada Dhahar iyo ku xigeenkiisa, maalin kadib markii la dhaariyey xubnaha golaha deegaanka cusub ee Dhahar.
Xaaladda Dhahar ayaa maanta degen, waxaase jira warar madax bannaan oo sheegaya in ciidamo dhanka Somaliland kasoo baxay ay degmadaas kusoo wajahan yihiin.
Wasaaradda Arimaha Gudaha Puntland ayaa bilihii u dambeeyey wadey qorshe degmooyinka aan maamulka lahayn goleyaal deegaan loogu sameynayo, waxaana ilaa iyo hadda maamul loo sameeyey 9 degmo oo ku kala yaalla gobolada Bari, Mudug iyo Haylaan.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Dagaal Xalay Fiidkii ka dhacay Degmada Dhahar ee Xarunta Gobolka Haylaan
More News
- UHURU KENYATTA: Somalia oo Xasisha ayuu ku xiran yahay Horumarka Kenya
- Qaybdiid oo Puntland ugu baaqay in wadahadal lagu dhameeyo xiisada taagan
- PUNTLAND: Wixii ka dhaca Gaalkacyo waxaa mas'uul ka noqonaya Qaybdiid
- Soomaali u dagaalama kooxda ISIS oo sheegay inay weerar ku yihiin New York
- Hay’adda ICG oo sheegtay in Al-shabaab ay weli khatar ku tahay dalka Kenya
- NUSOJ oo in ka badan afartan suxufi tababar ugu soo gabagabeysay Muqdisho
- Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Taageeray Dhismaha Maamullada Soomaaliya
- Max'ud Sayid Aadan iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Degmada Garbahaarey
- Wafdigii Soomaalida uga qayb-galay shirkii shaqaalaha carabta oo soo noqday
- Dowladda Kenya oo sheegtay in la xirayo xarumaha lagu barto diinta Islaamka
- Rag hubeysan oo xalay Guddoomiye deegaan ku dilay Magaalada Beledweyne
- GAROOWE: Madaxweyne Gaas oo kulan deg-deg ah la leh Golihiisa Wasiirrada
- Maamulka Puntland oo shaaciyay inuu weli Shaqeynayo Garoonka Gaalkacyo
- Madaxweynaha GAL-MUDUG iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Cadaado