Madaxweynaha: “Caalamku diyaar ayuu u yahay inuu na gargaaro (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamud oo maanta xafiiskiisa kula kulmay xubno ka socday beesha caalamka ayaa sheegay inay lama huraan tahay in shacabka ku nool deegaannada Al-Shabaab laga saaray si deg-deg ah loogu gurmado.

Madaxweynaha ayaa ammaanay doorka ururka Bisha Cas ee dalka Turkiga iyo tan Imaaraadka Carabta oo gargaar gaarsiiyay dadkaas, hase yeeshee wuxuu sheegay in loo baahan yahay in shacabka si dhab ah loo gaaro oo ay helaan kaalmadii ay u baahnaayeen.

“Waa inaan tusnaa shacabka inaan la hilmaamin oo Beesha Caalamka ay diyaar u yihiin inay goobaha Al-shabaab laga xorreeyey gargaar gaarsiiyaan. Shacabku waa inay rajo gashaa oo ay arkaan gar-gaar gaaray iyo mid u soo socda,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud.

Madaxweynaha oo warbixin siinayay beesha caalamka oo ku aaddan dadaallada dowladda ayaa yiri: “Wasiirro ayaa booqday goobaha qaarkood, isla markaana gaarsiiyay mucaawino waxayna soo qiimeynayeen xaaladda goobahaas iyagoo la tashiyo la sameynayay shacabka deegaannadaas la booqday. Wasiirraduna waxay si joogta ah u aadayaan goobahaas oo ay shacabka la soo joogayaan, si loo hubiyo in shacabka ay helaan kaalmada ay u baahan yihiin iyo inay dadka deegaannadaas ka saacidaan inay sameystaan maamulo u adeega shacabka.”

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey, danjire Nicholas Kay ayaa isna sheegay in Qaramada Midoobey ay ballan-qaadeyso inay 3-milyan oo doollar ay soo gaarsiin doonto wasaaradda arrimaha gudaha si ay ugu fuliso mashaariicda xasilinta dalka.

“Waxaan hambalyo u diraynaa ciidamada Soomaalida iyo AMISOM oo guulo waaweyn kasoo hoyay howlgalladii Al-shabaab looga saaray deegaanno dalka ka mid ah. Howlgalladan ayaa ah kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo intii AMISOM ay ka billowday howlgalkeeda Soomaaliya, waxayna fursad u tahay Soomaaliya,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale, ergayga Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif oo ka warbixinayay howlgallada AMISOM ayaa sheegay in Al-shabaab ay ceelashii burburiyeen sidoo kalena ay cagta mariyeen goobihii muhiimka ahaa, hase yeeshee ay AMISOM iyo ciidanka Soomaaliyeed ay dib u dayac-tiri doonaan goobahaas bur-burka loo geystay ee muhiimka u ah shacabka.

Madaxweynaha oo ka warbixinayay xasilinta Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii amniga ee caasimadda uu meel fiican marayo lana sameeyay xarun laga hago dhammaan arrimaha amniga oo howlgallada iyo xasilinta caasimada laga wado oo isagu jira ciidamada kala duwan ee Soomaaliya iyo AMISOM, gaar ahaan kuwooda booliiska.

Shirkan heerka sare ah ayaa waxaa kasoo qayb-galay wasiirka garsoorka iyo dastuurka Soomaaliya, safiiradda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Ingiriiska, Sweden iyo Norway.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya