Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Shilkan ayaa yimid kaddib markii gaadiid nooca xamuulka qaada ee loo yaqaan (UD) uu goostay bareegga taasoo keentay inuu waddada ka baxo isla markaana ay waxyeello kasoo gaarto laba qof.
Gaadiidkan ayaa waxa uu burbur lixaad leh u geystay goob farmasi ah, waxaana ay dhaawacyo kasoo gaareen mulkiilihii xaruntaas iyo qof kale oo xilligaasi ku sugnaa goobta.
Gaadiidka oo ay saarnaayeen alaabo bagaasha ah ayaa ka baxay wadada, kadib markii wadihii gaadiidka uu bareegii waayay, waxa uuna burburiyay goob ganacsi, waxa uunba burbur xooggan soo gaaray goobtii ganacsi iyo weliba hantidii taallay.
Dhaawacyada labada qofood ee ku waxyeeloowday shilka ayaa loola cararay isbitalka guud ee degmada Kismaayo si loogu daweeyo.
Dhinaca kale, waxaa mudooyinkii u danbeeyay magaalada Kismaayo kusoo badanayay shilalka gaadiidka, waxaana madaxda waaxda nabadgelyada wadooyinka ee maamulka Jubba ay u aaneeyeen gaadiidka oo kusoo badanaya magaalada iyo weliba wadooyinka oo ah kuwo ciriiri ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Shil Gaari oo ay dad ku Waxyeelloobeen oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
More News
- Danjire Nicholas Kay oo soo dhaweeyay Howlgallada ka socda Gobollada dalka
- Shirkadda Hormuud oo Saamilieydeeda Shir ugu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)
- Madaxweyne Siilaanyo oo furay Mashaariic laga Hirgaliyay Burco (SAWIRRO)
- Al-shabaab oo Shaacisay Magaca iyo Da'da Ruuxii Fuliyay Qaraxii Buulo-burte
- Ra’iisul wasaaraha oo booqday askartii ku dhaawacmay weerarkii Buulo-burte
- Madaxweynaha Puntland oo Magaacabay Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud
- Hay'ada CCD oo soo bandhigay waxqabadkeedii Mudadii ay jirtay (SAWIRRO)
- Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Baaritaanno ku Qab-qabtay Dad badan
- Turkiga oo dayactir Xooggan ka Wada Laamiyada Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)
- Madaxweynaha: “Caalamku diyaar ayuu u yahay inuu na gargaaro (SAWIRRO)
- Rugta Ganacsiga Somalia oo shaacisay go’aannadii kasoo baxay Shirkii Dubai
- Bandhiggii Wax-soo-saarka Soomaaliya oo lasoo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)
- Maxkamad ku taalla Mombasa oo xukunno ku ridday dhallinyaro Soomaaliyeed
- Weerar Madaafiic ah oo xalay lagu Qaaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo