4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Mas’uuliyiinta Khaatumo State oo beeniyay inuu jiro khilaaf Maamulkooda soo dhex-galay kaddib shir jaraa’id oo ay qabteen

Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in aanay jirin khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo mas’uuliyiintaas, kaddib shir jaraa’id oo mas’uuliyiinta ay ku qabteen magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo, Axmed Cilmi Cismaan "Axmed Karaash" ayaa ugu horreyn ka hadlay waxqabadkii maamulkaas iyo mudaddii uu jiray, waxaanu sheegay inay wax badan ku guulaysteen.

Sidoo kale; Axmed Karaash wuxuu ku dheeraaday khilaaf maalmihii lasoo dhaafay la sheegayay inuu soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo, taasoo uu ku sheegay inay tahay been ayna ku kala maqnaayeen deegaanno kala fog oo maamulka ay ka kala wadeen.

Karaash wuxuu sheegay oo kale in dhawaan shir lagu qaban doono degmada Taleex uu ahaan doono shirweyne ay isugu imaan doonaan mas’uuliyiin maamulka Khaatumo golayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo jaaliyadaha, kaasoo lagu gor-fayn doono wax badan oo maamulka dantiisa ah.

Waxaa isaguna gabgabadii war-saxaafadeedkaas ka hadlay madaxwenaha maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac "Indha-sheel" oo ka marag kacay inaanay jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya mas’uuliyiinta maamulka.

Madaxwenaha oo hadal kooban jeediyay ayaa wuxuu faahfaahin ka bixiyay waxqabadka maamulkiisa, isagoo sheegay in wixii ka baaqdayna ay ku eegi doonaan shirweynaha soo socda oo la saadaalinaayo toddobaadyada soo socda.

Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo kama ay warbixin xilliga uu imaanayo madaxweynaha haatan meertada lahaa inuu la wareego xilka madaxweynenimo ee lixdan bilood ee lagu jiro Cabdinuur Cilmi Qaaje "Biindhe" oo muddo dheer ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee; maamulka Khaatumo oo ay curyaamiyeen colaado baahsan oo kaga imaanaya maamuladda Somaliland iyo Puntland ayaa la eegayaa kulanka baahsan ee soo socda in wax iisbedel ah lagu keeni doono iyo in kale.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool