Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha gudiga doorashada Dalka Kenya ayaa si rasmi ah, daqiiqado ka hor ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii Kenya, Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynihii afraad ee dalkan isagoo helay 6,173,433, halka Raila Odingana uu helay 5,340,546 oo cod.
Kenyatta ayaa sannadii 2002-dii ku guul darraystay inuu xilkaas qabto kadib markii u la tartamay madaxweynaha haatan xilka kasii dagaya ee Mwai Kipaki.
Waxaana xilligaas uu hogaaminayay xisbigii kaligiis ka talin jiray Kenya ee KANU.
Uhuru oo 51 jir ah ayaa waxaa markan uu helay in ka badan 50% codadkii la dhiibtay, taasoo uu si rasmi ah u shaaciyay Axmed Isaaq Xassan oo ah gudoomiyaha gudiga Doorashada Kenya.
Waxaa uu Uhuru kamid yahay dadka ugu dhaqaalaha badan dalka Kenya, iyadoo qoyska reer Kenyatta ay yihiin reerka ugu hantida badan dalkan, iyadoo lagu qiyaaso hantidooda in ku dhow 5 billion oo dollar.
Waxaana codadka ugu badan uu ka helay qabiilkiisa Kikuyada, Kalanjiinta iyo Soomaalida iyadoo deegaanada kalana uu inta badan ku guulaystay musharrixii la tartamayay ee Raila Odinga.
Uhuru iyo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa waxaa horyaalla inay soo celiyaan kalsoonida bulshada caalamku ay ku qabtay Kenya, maadaama labadoodaba ay ku socoto dacwad ay u jeedisay maxkamadada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.
Hadii ay maxkamadaas la shaqayn waayaan ayaa laga cabsi qabaa in Kenya la saaro cunaqabatayn dhaqaale, taasoo hoos u dhigi karta dhaqaalaha dalkan oo ku xiran maalagashiga reer galbeedka.
Gudoomiyaha gudiga doorashada Axmed Isaaq Xassan oo natiijadii mudada dheer la sugayay shaaciyay ayaa uga mahadceliyay Kenyaanka kalsoonidii ay siiyeen gudigiisa, isagoo sheegay inay qabteen doorashadii ugu horreysay ee si cadaalad ah uga dhacda Kenya, tan iyo markii ay xorriyada qaadatay.
Waxaana uu sheegay inay doorashadani wax wayn ka badashay soo celinta sumcadii ay Kenya ku dhex lahayd bulshada caalamka oo baaba'day markii doorashadii hore uu dhiig badani ku daatay.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya
Uhuru Kenyatta oo noqday Madaxweynaha Afraad ee Kenya
More News
- Xukuumadda Somalia oo soo dhaweysay guushii uu Madaxweynaha cusub ee Kenya ka gaaray doorashadii Madaxweynenimo
- Kooxaha hubeysan oo Muqdisho ku Toogtay laba Ruux oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen Ciidamada Nabadsugidda
- Ra'iisul Wasaaraha Somalia iyo Wefdi Ballaaran oo uu Horkacayo oo si diirran Loogu soo dhoweeyey Garoowe [SAWIRRO]
- Ciidammo kus Qulqulaya Degmada Baydhabo iyo Munaasabadda 8-da Maarso oo Amni-darro loo Qaban Waayay
- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta loo Qaybiyay Nuqullada Dastuurka Dalka oo dib loo eegayo
- Mas’uuliyiinta Khaatumo State oo beeniyay inuu jiro khilaaf Maamulkooda soo dhex-galay kaddib shir jaraa’id oo ay qabteen
- Jaamacadda Banaadir oo u dabaal-degtay Sanad-guuradii Tobanaad ee kasoo wareegtay Markii la asaasay (SAWIRRO)
- Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 08-da Maarso oo lagu Qabtay Stockholm (SAWIRRO)
- Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose [SAWIRRO]
- Raila Odinga oo sheegay inuu Maxkamadda aadaya, kaddib markii uu diiday in uu qirto in looga guulaystay Doorashada
- Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan laga xusay (SAWIRRO)
- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo u Ambabaxay Magaalada Garoowe ee Xarunta Puntland
- Fartuun Cabdisalaan oo ka mid noqotay Sagaal Haween ah oo Mareykanku uu Guddoonsiisay Abaalmarino (SAWIRRO)