3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Jaamacadda Banaadir oo u dabaal-degtay Sanad-guuradii Tobanaad ee kasoo wareegtay Markii la asaasay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Munasaabad lagu xusayay sannadguuradii 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Jaamacadda Banaadir ayaa shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay hoteelka Safari ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaas ay kasoo muuqdeen ku dhowaad 100 arday oo xilligan ka qelin-jebisay kuliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacaddaas.

Xafladdan oo ahayd mid si wanaagsan loosoo agaasimay ayaa waxaa ka qayb-galay mas’uuliyiin, macalimiin, qaar  ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda, madaxda jaamacadaha kale ee dalka mas’uuliyiinta ka howlgala isbitaallada Muqdisho.

Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Cabdirisaaq Axmed Dalmar oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ugu horreyn u hamabalyeeyey 86 arday oo ah dufcaddii ugu horreysay ee sanadkan ka qelin-jebisay kuliyadaha kala duwan jaamacadda, kuwaasoo isugu jiray 17 gabdhood iyo 69 wiil, isagoo sheegay inay waxbarashadooda wateen xilli aad u adag, wuxuuna u rajeeyey inay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qabtaan aqoonta ay barteen.

Dr. Dalmar ayaa faahfaahin ka bixiyay ujeeddooyinka 12-sano ka hor loo aasaasay jaamaacadda Banaadir, kuwaasoo uu sheegay inay ahayd sidii loo buuxin lahaa kaalintii ay baneysay jaamacaddii ummadda ee ku burburtay colaadihii dalka ka socday 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

“Jaamacadda waxaa lagu billaabay kuliyadda caafimaadka; maantana waxay sii marayaan toddoba kulliyadood oo ka kooban laamaha kala duwan ee cilmiga, waxay kaloo leedahay dugsiga taqaqasuska caafimaadka iyo xarunta daraasaadka aqoon darsadka ah oo dhawaan aan furi doono. Ujeeddooyinka loo aasaasay jaamacadda waxaa kaloo ka mid ah inay soo saarto jiil leh aqoon guud iyo mid gaar ahaaneed,” ayuu Dr. Dalmar hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha jaamacada banaadir ayaa intaa ku daray in Jaamacaddaas ay ka howlgalaan shaqaale gaaraya  215, macalimiinta jaamacada ayuu xusay in 20% ay haystaan shahaadada PHD-ga, 60% ay heystaan shahaadada loo yaqaan Master, labaatanka harayna waxay howlan yihiin inay diyaariyaan shahaadaha PHD-ga.

“Waxaa jaamacada laga aqoonsan yahay waddamo badan oo caalamka ka mid ah; iyadoo arday jaamacadda ka baxday ay howlo badan oo aqoonta ku saabsan ka wadaan jaamacado badan oo caalamka ku yaalla. Jaamacaddu waxay xubin ka tahay dalad ay aasaaseen sagaal jaamacadood oo Soomaali ah, taasoo la yiraahdo Somali-Run, sidoo kale waxay xubin ka tahay ururka jaamacadaha Afrika kan Carabta iyo kan Muslimka, sidoo kale iskaashi dhanka aqoonta ah ayaa waxaan la leennahay 20 jaamacadood oo ku yaalla Afrika, Yurub, Aasiya iyo Ameerika, waxayna xiriir wada-shaqeyneed la leedahay hay’ado isugu jira kuwa Qaramada Midoobay iyo qaar kale oo caalami ah,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha Jaamacada ayaa sheegay in muddadii ay jaamacaddu jirtay ay ka qalin-jebiyeen 385 arday oo isugu jira 300 oo wiil iyo 85 gabdhood; kuwaasoo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee jaamacada, isagoo xusay in ardayda ka qelin-jebisay sannadkan ay ku jiraan 17 aqoonyahan oo markii ugu horreysay bartay cilmiga beeraha, isagoo xusay in ardayda jaamacadda ka qalin-jebisay ay leeyihiin dalad ay ku mideysan yihiin.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha Jaamacada Banaadir ayaa sheegay in xilligan ay jaamacadda dhigtaan arday gaaraysa, 1,715 isagoo xusay in 105 ka mid ah ay ku jiraan kulliyada caafimaadka; taasoo ka dhigaysa ayuu yiri kuliyada caafimaadka ee ugu weyn Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inay qorshaha ugu jirto inay kordhiyaan tayada waxbarashada jaamacadda, isagoo mahad u jeediyay dowlada Sacuudiga iyo hay’adda caafimaadka dunida ee WHO oo uu sheegay inay jaamacadda ugu deeqeen sheybaar weyn oo caalami ah.

Waxa sidoo kale munaasabaddaas ka hadlay qaar ka mid ah macallimiinta, ardayda iyo waaliddiinta ardayda wax-ka-barata jaamacadda Banaadir iyo mas’uuliyin kale, iyadoo halkaas looga mahad-celiyey qaar ka mid ah agaasimayaasha isbitaallada Muqdisho oo ardayda Jaamacada caafimadka ka caawiyay dhinaca farsamada.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/9/2013 12:05 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guushii uu madaxweynaha cusub ee Kenay, Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii madaxnimo ee dalkaas, waxayna ballanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta kala dhexeysa Kenya.

3/9/2013 11:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir saakay aroortii hore laba qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

3/9/2013 11:07 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

3/9/2013 8:08 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ciidamadii Soomaaliya ee dhawaan qatay degmada Ufurow ee gobolka Bay ayaa dib u soo laabtay Baydhabo, kaddib markay ku sugnaayeen labo maalmood, waxaa kaloo magaalada Baydhabo soo buux-dhaafiyey ciidamadii ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Berdaale, Qansax-dheere iyo deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.

3/9/2013 7:58 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta loo qaybiyay nuqullada dastuurka dalka kaasoo dib u eegis lagu sameynayo, iyadoo kulanka uu khudbad dheer ka jeediyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo sheegay in baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danta shacabka.

3/9/2013 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in aanay jirin khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo mas’uuliyiintaas, kaddib shir jaraa’id oo mas’uuliyiinta ay ku qabteen magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

3/9/2013 6:55 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha gudiga doorashada Dalka Kenya ayaa si rasmi ah, daqiiqado ka hor ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii Kenya, Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynihii afraad.

3/9/2013 5:30 AM EST
Sabti, March 09, 2013(HOL):Munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, iyadoo munaasabaddanna ay ka qeybgaleen xildhibaanno iyo wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/9/2013 4:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe garoonka caalamiga ah ee waamo Stadium ee magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo kooxaha Zera A-da ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhiirigelinayay nabadda iyo isdhaxgalka Bulshada.

3/9/2013 3:07 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo ay u muuqato in looga guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa diidan inuu qirto arrinkaas xilli la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtay.

3/9/2013 1:36 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Sanad kasta 08-da bisha Maarso oo ku beegneyd maalintii shalay waxaa ay ku asteysan tahay maalinta haweenka aduunka, waxaana meelo badan oo caalam-ka ka tirsan looga dabaal-dagaa xuska maalinta haweenka.

3/9/2013 1:25 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysy oo mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku aado Puntland.

3/9/2013 12:54 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Fartuun Cabdisalaam Xaaji Aadan oo ah madaxa hay’adda Elman ayaa ka mid noqotay sagaal haween ah oo dowladda Mareykanka ay ku abaalmarisay shalay oo Jimco ahayd doorka ay ka qaateen ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta.

9/3/2013 12:10 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha isbahaysiga Jubilee ee dalka Kenya, isla marakana ahaa ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumaddii hore, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorshada madaxnimo ee dalka Kenya, kaddib markii helay codadkii loo baahnaa.