4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Tartan Kubadda Cagta ah oo lagu soo Gabagabeeyay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose [SAWIRRO]


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe garoonka caalamiga ah ee waamo Stadium ee magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo loo qabtay kooxaha Zera A-da ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhiirigelinayay nabadda iyo isdhexgalka Bulshada.

Tartankan kubadda Cagta oo soo bilowday bishii Janaayo ee sanadkan ayaa waxa ku loolamayay kooxaha Zera A-da ee magaalada Kismaayo oo kala matalayay xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana shalay gelinkii danbe lagu soo gabagabeeyay garoonka Waamo ciyaartii Finalka (kama danbeysta) oo dhexmartay kooxaha Aargo iyo Kisima.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u xamaasad badan ayaa waxaa kasoo qeybgalay kumannaan qof oo reer Kismaayo ah oo isugu jiray rag iyo dumar, waxaana sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka tirsan guddiga Isboortiga ee gobolka jubada hoose.

Labada kooxood ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan, taasoo taageerayaasha labada dhinac ay aad ula dhaceen, waxaana qeybtii hore ee ciyaarta kooxda Aargo gool u saxiixay Ciyaartooygooda qadka weerarka ka ciyaara Cali Xasan C/laahi kadib markii uu ka faa’iideystay kubad gool-ku-laad ahayd oo ay heshay kooxdiisa.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0, waxaana qeybtii labaad ee ciyaarta ay ahayd mid ka xiiso iyo xamaasad badan tii hore, iyadoona labada kooxoodba ay soo bandhigeen ciyaar aad u kululayd, haseyeeshee kooxda Aargo ayay  markale u suurogashay in ay gool dhaliso, iyadoona gooshaasi uu dhaliyay Qadar Salwiye oo qadka dhexe  uga dheela kooxda Aargo.

Gabagabadii ciyaarta iyadoo ay ka harsantahay daqiiqado yar ayay kooxda Kisima dhalisay Gool, waxaana ay ciyaarta kusoo gabagaboowday 2-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Aargo.

C/laahi Ducaale (Big) oo ah gudoomiyaha xiriirka kubadda Cagta ee gobolka J/hoose oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tartankani uu ahaa mid lagu dhiirigelinayo Nabadda, wuxuuna xusay in uu kusoo dhamaaday si aad u wanaagsan islamarkaasina Koobkii ay ku guuleysatay kooxda aargo, isagoona ka codsaday qurbajoogta u dhalatay gobolka jubada hoose in ay ka qeybqaataan horumarinta Isboortiga gobolka jubada hoose.

Ciyaartooyda kooxda Aargo ayaa ugu danbeyntii lagu wareejiyay Koobkii tartanka iyadoona kooxda iyo taageerayeesha ay gudaha garoonka ku sameeyeen dabaaldeg aad u sareeya, waxaana sidoo kale ay taageerayaasha kooxda Aargo oo sitay boorar ay ku xardhanyihiin hal-ku-dhigyo ay ku muujinayaan dareenkooda ay socod dheer kusoo mareen qaar katirsan wadooyinka waaweyn eee magaalada Kismaayo.

Dadka reer Kismaayo ayaa si diiran usoo dhaweeyay tartamada kubadda Cagta ee dib uga bilowday gobolka, iyadoona ciyaartii Finalka ee shalay ka dhacday magaalada ilaa maanta laga hadalhayo goobaha ay dadka isugu yimaadaan ee magaalada Kismaayo.








Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya