4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Raila Odinga oo sheegay inuu Maxkamadda aadaya, kaddib markii uu diiday in uu qirto in looga guulaystay Doorashada

ELECTION7.jpg


Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo  ay u muuqato in looga guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya  ayaa diidan inuu qirto arrinkaas xilli la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtay.

La taliyaha Raila Odinga, Salim Lone oo la hadlay wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya ee “The Daily Nation” ayaa sheegay in Raila uu arko natiijada soo baxday inay tahay mid aan lagu kalsoonaan Karin, uuna aadayo maxkamada sare si uu u joojiyo natiijadan.

“Raila ma doonayo inuu taageerayaashiisa isu soo baxyo sameeyaan, waa inay degganaan muujiyaan inta arrinkan ay go’aan ka gaarayso maxkamada sare” ayuu yiri Salim

Waxaana laga baqayaa in diidmada Raila ay keento is qabqabsi horleh oo Kenya ay gasho, xilli kormeerayaasha caalamka ka socday ay ku tilmaameen doorashada inay ahayd mid u dhacday si xor ah oo aysan arag wax is daba marin ah.

Marka lagu dhawaaqo natiijada ayaa la filayaa Raila inuu la hadlo warbaahinta, iyadoo ay muuqato inuu ka biyo diidsanyahay guusha uu gaaray Uhuru Kenyatta oo uu aabhihiis uu ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, kana mid ahaa aasaasayaashii jamhuuriyadda Kenya.

Waxaana goordhow lagu dhawaaqayaa natiijada rasmiga ah ee doorashada, iyadoo ay u muuqato inaan la aadi doonin wareeg labaad.

Gobollada Bartamaha iyo Riftvalley ayaa waxaa ka socda dabaal dagyo ay samaynayaan taageerayaasha Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto oo labadaba ay ku socdaan dacwado ay ku qaadayso maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya