3/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 9 , 2013
Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan laga xusay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Sanad kasta 08-da bisha Maarso oo ku beegneyd maalintii shalay waxaa ay ku asteysan tahay maalinta haweenka aduunka, waxaana meelo badan oo caalam-ka ka tirsan looga dabaal-dagaa xuska maalinta haweenka.

Hadaba dalka Soomaaliya marka la eego sanadka waxaa munaasabada haweenka aduunka looga dabaal-dagay siweyn deegaanno sanado badan aan nasiib u yeelan haweenka ku nool in ay xusaan, waxaana ka mid ah magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Munaasabad ay si wada jira u soo qaban-qaabiyeen garabka haweenka labada urur ee kala ah [Midowgga Hormarinta Dhalinyarrada gobollka Hiiraan] iyo [ Ururka Mideynta iyo Hormarinta Hooyada] ayaa lagu qabtay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan.

Waxaa munaasabada oo aheyd tii ugu balaarneyd oo sanadihii ugu danbeeyay laga qaban-qaabiyo guud ahaan gobollka ka qeyb-galay xubno ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan, saraakiisha ciidamada AMISOM, Qurba joog, iyo marti-sharaf kale oo dhamaantood muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin in ay kala qeyb-galaan haweenka gobollka xuska maalinta u gaarka ah.

Hal ku dhaga sanadkan ayaa u garteen haweenka gobollka Hiiraan in ay u qaataan ‘’Hooyo wax baratay Waa Qaran wax bartay ‘’taasoo muujineysa kaalinta iyo doorka hooyadu ay ku leedahay bulshada, loona baahan yahay in sare loo qaado wacyiga iyo aqoonta haweenka Soomaaliyeed.

Muno Xassan Max’ed Guddoomiyaha ururka Mideynta iyo Hormarinta Hooyada oo ka hadashay munaasabada ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed aysan istaahil maalin kaliya in looga hadllo doorka iyo kaalita ay bulshada ku dhax leeyihiin, laakiin loo baahan yahay in waqti kasta laga hadllo.

’’Doorka haweenka Soomaaliyeed guud ahaan annaga haddii aynu nahay haweenka gobollka Hiiraan waxaan u aragnaa in maalin kaliya aan lagu soo bandhigi karin, waa wax muuqda oo bulshada oo dhan marqaati ka tahay, laakiin xuska maalintan kaliya waa in aynu is xasuusino qeybo ka mid ah doorkaas balaaran ee haweenka Soomaaliyeed, sidaa daraadeed ma’ah in aynu u qaado maalin kaliya in ay haweenku leeyihiin,’’ ayeey tiri Muno Xassan Max’ed.

Dhinaca kale waxaa ay sheegtay in marka la eego dalka Soomaaliya haweenku dhibaatooyin kala duwan loona geysto haba ugu badnaado kufsiga oo sanadihii ugu danbeeyay siweyn u sameeyay haweenka.

“Waxaa ugu baaqeynaa cid kasta oo ku lug leh dhibaatada loo geysto haweenka Soomaaliyeed in ay arintaa ka joogsato, maxaa yeelay haweenku waa tiirka ugu muhiimsan bulshada, ma mudna in la dhibaateeyo, waxaan rajeynayaa in fariintan la dhageysan doono ayeey tiri Muno Xassan Max’ed.

Bishaaro Daahir Axmed oo u hadashay garabka haweenka Ururka Midowgga Hormarinta Dhalinyarrada gobollka Hiiraan, ayaa dhinaceeda sheegtay in ay wadaan wacyi-galin iyo baraarujin loo sameynayo haweenka ku dhaqan gobollka Hiiraan si sare loogu qaado wacyigooda aqooneed, maadaama ayeey tiri hal ku dhageenu yahay ‘’Hooyo wax baratay waa Qaran wax bartay’’

“Annaga ujeedadeenu ma’aha oo kaliya in munaasabado la dhigo, laakiin waxaa u socnaa in aan soo saarno haween dhinac kasta ka dhisan, waayo sanadihii bur burka dib u dhac weyn ayaa ku yimid haweenka Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan haweenka gobollka Hiiraan, hadda waa ay jiraa gabdho badan oo wax bartay kuwaas ayaan dooneynaa in ay aqoontooda uga faa’ideeyaan gabdhaha kale,’’ayeey sheegtay Bishaaro Daahir Axmed.

Munaasabada ayaa intii ay soctay waxaa lagu soo bandhigay gabdho aqoonyahanno ah bartay cilmiga qeybihiisa kala duwan gaar ahaan caafimaadka, kuwaasoo la sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb-qaadan lahaayeen hormarinta haweenka gobollka.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobollka Hiiraan Shamso Ciise oo ka hadashay munaasabada ayaa siweyn u amaantay Ururada isku howlay diyaarinta munaasabada, waxaana ay u rejeysay haweenka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan hormar iyo in ay  ka gudbaan xaalada adag ee waqtigan soo food saaray.

Ugu danbeytii dhinacyadii ka qeyb-galay kulanka ayaa dhamaantood ku amaanay haweenka gobollka Hiiraan kaalinta fir fircoon ay kaga jiraan hormarinta adeegya bulshada, iyaga oo dhinaca kalana wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatooyinka kala duwan oo ay haweenku ka cabanayaan sida kufsiga.







C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya













Click here
3/9/2013 12:05 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay guushii uu madaxweynaha cusub ee Kenay, Uhuru Kenyatta ka gaaray doorashadii madaxnimo ee dalkaas, waxayna ballanqaaday inay xoojin doonto wadashaqeynta kala dhexeysa Kenya.

3/9/2013 11:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa ku toogtay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir saakay aroortii hore laba qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ciidamada nabadsugidda dowladda Soomaaliya.

3/9/2013 11:07 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wefdi ballaaran oo uu horkacayey ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

3/9/2013 8:08 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ciidamadii Soomaaliya ee dhawaan qatay degmada Ufurow ee gobolka Bay ayaa dib u soo laabtay Baydhabo, kaddib markay ku sugnaayeen labo maalmood, waxaa kaloo magaalada Baydhabo soo buux-dhaafiyey ciidamadii ku sugnaa jiidda hore ee dagaalka, gaar ahaan degmada Berdaale, Qansax-dheere iyo deegaanka Goof-gaduud Shabeelow.

3/9/2013 7:58 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa maanta loo qaybiyay nuqullada dastuurka dalka kaasoo dib u eegis lagu sameynayo, iyadoo kulanka uu khudbad dheer ka jeediyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo sheegay in baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu ka shaqeeyo danta shacabka.

3/9/2013 7:13 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in aanay jirin khilaaf la sheegay inuu u dhexeeyo mas’uuliyiintaas, kaddib shir jaraa’id oo mas’uuliyiinta ay ku qabteen magaalada taariikhiga ah ee Taleex.

3/9/2013 6:55 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Gudoomiyaha gudiga doorashada Dalka Kenya ayaa si rasmi ah, daqiiqado ka hor ugu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashadii Kenya, Uhuru Kenyatta oo noqonaya madaxweynihii afraad.

3/9/2013 6:53 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Munasaabad lagu xusayay sannadguuradii 10-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Jaamacadda Banaadir ayaa shalay oo Jimco ahayd lagu qabtay hoteelka Safari ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabaddaas ay kasoo muuqdeen ku dhowaad 100 arday oo xilligan ka qelin-jebisay kuliyadaha ay ka kooban tahay Jaamacaddaas.

3/9/2013 5:30 AM EST
Sabti, March 09, 2013(HOL):Munaasabad lagu weyneynayay maalinta haweenka adduunka ee 8-da Maarso ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm ee caasimadda dalka Sweden, iyadoo munaasabaddanna ay ka qeybgaleen xildhibaanno iyo wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

3/9/2013 4:51 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) —Waxaa shalay gelinkii danbe garoonka caalamiga ah ee waamo Stadium ee magaalada Kismaayo lagu soo gabagabeeyay tartan kubadda cagta ah oo kooxaha Zera A-da ee magaalada Kismaayo, kaasoo lagu dhiirigelinayay nabadda iyo isdhaxgalka Bulshada.

3/9/2013 3:07 AM EST
Sabti, March 09, 2013 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo ay u muuqato in looga guulaystay doorashadii ka dhacday dalka Kenya ayaa diidan inuu qirto arrinkaas xilli la tiriyay dhammaan codadkii la dhiibtay.

3/9/2013 1:25 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii ugu horreysy oo mas’uul ka tirsan dowladda Soomaaliya uu ku aado Puntland.

3/9/2013 12:54 AM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Fartuun Cabdisalaam Xaaji Aadan oo ah madaxa hay’adda Elman ayaa ka mid noqotay sagaal haween ah oo dowladda Mareykanka ay ku abaalmarisay shalay oo Jimco ahayd doorka ay ka qaateen ilaalinta xuquuqda haweenka iyo caruurta.

9/3/2013 12:10 PM EST
Sabti, Maarso 09, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha isbahaysiga Jubilee ee dalka Kenya, isla marakana ahaa ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumaddii hore, Uhuru Muigai Kenyatta ayaa u muuqda inuu ku guuleystay doorshada madaxnimo ee dalka Kenya, kaddib markii helay codadkii loo baahnaa.