4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Danjire Augustine P. Mahiga oo sheegay in Qaramada Midoobay ay hab cusub kula shaqeyn doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, Danjire Augustine Mahiga oo kulan la qaatay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay qaab cusub kula shaqeyn doonto dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Mahiga, ayaa kulanka kaddib wuxuu la hadlay saxaafadda isagoo sheegay in halkan [Muqdisho] uu u yimid sidii uu kulammo ula qaadan lahaa madaxda dowladda uuna ugu sharraxi lahaa habka ay Qaramada Midoobay kula shaqeyn doonto dowladda Soomaaliya.

“Halkaan waxaan u imid inaan la kulmo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha si aan ugu sharraxo habka ay Qaramada Midoobay doonayso inay ula shaqeyso dowladda Soomaaliya,” ayuu danjier Mahiga ku sheegay war uu siiyay saxaafadda.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu wariyeyasha u sheegay in Qaramada Midoobay ay dejisay hab cusub oo ay dowladd Soomaaliya kula wadaagayso waayo-aragnimadeeda ayna kordhin doonto taageeradeeda, isagoo caalamka ugu baaqay inay caawiyaan Soomaaliya.

Danjiruhu wuxuu hadalkiisa ku daray in Qaramada Midoobay ay cusboonaysiisay xiriirka kala dhexeeya dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay qayb ka qaadanayso xasilinta gobollada lagala wareegay Al-shabaab iyo dhaqan-celinta dhallinyarada kasoo goosta Al-shabaab.

“Qorshaheennu waa inaan gacan ka geysanno barnaamijyada horumarinta Soomaaliya, waxaana qiraynaa horumarka ay dowladdu gaartay, ammaanka caasimaddana waa mid aad u wanaagsan, taasna waxaa caddeynaya dadka kasoo laabanaya dibadaha,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu ka hadlin kulankii uu la qaatay danjire Mahiga, sidoo kalena ma jiro hadal kasoo baxay dowladda Soomaaliya, waxaana kulankan uu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo dhexmara madaxda dowladda Soomaaliya iyo danjire Mahiga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya