4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 8 , 2013
Golaha Aqoonyahannada Koonfurta Somalia oo Shahaado la magac-baxday Qiimee qofkaaga guddoonsiiyay Ha’yado iyo Shirkado

Talaado, Jannaayo 08, 2013 (HOL) — Golaha aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliya oo mudooyinkii ugu dambeeyay wadday barnaamij la magac baxay [qiimee qofkaaga] ayaa munaasabad uu soo qaban-qaabiyey golaha kana dhacday hoteel Manchester ee magaalada Baydhabo waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shirkado iyo hay’ado wadani ah oo ka jira gobolka Bay.

Munaasabaddan ayaa waxaa ka hadlay xubno ka socday bulshada rayidka oo isugu jira odayaal, culumaa’uddiin, wax-garad iyo ganacsato intii iyadoo lagu soo bandhigay munasabadda barnaamijyo waxqabad oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Baydhabo.


Saraakiisha golaha oo ka hadlay munaasabadda ayaa tilmaamay sida ay ku timid in shahaadooyinka oo ah [Qiimee Qofka] ee muddo ka shaqeynaayay iyagoo xusay una mahad-naqay guddi gaar ah oo arrintaas u xil-saarnaa kana tirsanaa golaha aqoonyahannada Koonfurta Soomaaliya oo hawshooda tahay cilmi-baaris, daba-gal, eegid iyo qiimeyn waxqabadka baahida dadka oo uu gutey shaqsiga ama hay’adda sannadkii 2012, iyadoo sanadkan si gaar loo qiimeeyay hay’adaha waddaniga ah iyo shirkadaha.

Madasha ayaa waxaa ka hadlay hormuudka jaamacadda koonfurta Soomaaliya, Dr. Maxamed Cali Axmad (Dr. Kalaay) iyo mas’uul wasiir kasoo noqday Soomaaliya ayaa ka hadlay ahmiyada ay leedahay arrintan iyagoo xusay inay haboon tahay in hay’ad iyo shirkad walba lagu qiimeeyo wax qabadka ay bulshada u hayso.

Ganacasade Sheekh Ibraahim Bujiini ahna guddoomiyaha guddiga dhismaha masaajidka jaamaca ah ee magaalada Baydhabo oo hadda dhismahiisu heer gebo-gabo ah marayo, sidoo kale goobtaas ayaa waxaa ka hadlay ganacsade Cali Aadan (Cali Marguus) oo sheegay in tallaabadan ay tahay mid aad u wanaagsan.

Munaasabaddaas ayaa waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay shirkado waddani ah kuwaasoo kaalin mug leh ka qaatay u adeegidda shacbka sida ay sheegeen guddi qiimeynta sameeyay:

1.    Jaamacadda Koonfurta Soomaaliya (USSB)
2.    Shirkadda Biyaha ee Warjanaay
3.    Shirkada Korontada Baydhabo (Baidoa Electric)
4.    Guddiga Foolkaa Dhigooy Fetawaa ke jertee.

Qaar ka tirsan guddiga qiimeynta oo aan xog-wareysi gaar ah la yeelannay ayaa sheegay in sannadka soo socda ay qiimeyn doonaan shaqsiyaadka ku dhaqan gobollada Koonfurta Soomaaliya iyagoo xusay in guddigu ku qiimeyn doono shaqsiga waxqabadka ummadda kusoo kordhiyo iyo hal-abuurkiisa gaarka u ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya