
Khamiis, October 24, 2013 (HOL) - Raila Odinga oo booqasho ku
jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ku noqotay Kenyaanka
markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ciidamada oo alaab ka xadaya xaruntii
ganacsiga ee Westgate markii uu socday hawlgalkii lagula dagaallamayay kooxihii
goobtaasi weeraray.
Isagoo khudbad ka
jeedinayay xarun ku taalla jaamacada Boston ayuu sheegay in sidoo kale
Kenyaanka ay naxdin ka qaadeen weerarkii Westgate oo kooxo hubaysani ay si aan
kala sooc lahayn u laayeen dad shacab u badnaa, weerarkaas oo masuuliyadiisa ay
sheegatay kooxda Alshabaab ee gacan saarka la leh urur weynaha Alqaacida.
“Dadka la laayay waxaa dadweynaha Kenya uga naxdin badnayd markay arkeen dhaqan xumada ciidankooda oo kaamirooyinku qabteen iyagoo xadaya alaabtii dhismaha taallay” ayuu yiri Raila Odinga.
“Tani waa wax qof walba ka yaabisay, sannado
badan ayaan dhisaynay muuqaalka ciidankeena oo ahaa kuwo haysta tababar fiican
lehna anshax wanaagsan, balse tani waxay noqotay la yaabkii ugu darnaa, waa
qaylo dhaan horleh” ayuu sii raaciyay Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya
oo ahaa musharraxii uu sida dirqiga ah uga guulaystay doorashadii Kenya ka
dhacday bishii March ee Sannadkaan madaxweynaha haatan talada haya Uhuru Kenyatta.
Raila Odinga ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyay ee si cad u dhalleeceeya dhaqanka ciidamada Kenya inkastoo taliyaha ciidamada militariga General Julius Karangi uu difaacay ciidankiisa maalintii shalay ahayd kadib markii ay su'aalo waydiiyeen guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga iyo ammaanka qaranka.
Waxaa uu sheegay in qaabkii loo tabiyay warbixinnada inay ahayd dacaayad ka dhan ah hay'adaha dawlada Kenya oo la doonayay in shacabkeeda laga horkeeno.
David Kimaiyo ayaa sheegay in wariyayaasha maxalliga ah iyo kuwa caalamka ka yimidba ee tabinayay wararka la soo xiri doono.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya