Wasiirka Difaaca Somalia iyo Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Talyaaniga (SAWIRRO)


Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdixakiin Maxamuud Faqi oo ay wehliyeen agaasimaha guud ee wasaaradda, Cabdulle Maxamuud, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe), abaanduulaha, Jen.C/risaaq Khaliif Cilmi iyo saraakiil ka tirsan ciidammada xoogga dalka ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kula kulmay wafdi ka socday Talyaaniga uu horkacayay taliyaha guud ee ciidamada difaaca Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli kaasoo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Muqdisho.

Admiral Mantelli ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Saraakiil iyo ciidan, iyadoo kulanka ay la qaateen mas’uuliyiinta wasaaradda difaaca Soomaaliya iyo taliska ciidamada xoogga ay goobjoog ka ahaayeen safiirka Soomaaliya u fadhiya Talyaaniga, Jen. Muuse Xasan iyo danjiraha Talyaaniga ee Somalia, danjire Andrea Messella.

Kulanka oo ahaa mid saacado badan qaatay oo ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa lagu lafa guray muddadii uu socday doorka uu Talyaaniga ka qaadan karo tayeynta iyo qalabeynta ciidamada Soomaaliya gaar ahaan milateriga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa ku dheeraaday horumarradii ugu dambeeyay oo ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dhinac amniga iyo caqabadihii ka horyimid; waxaana sidoo kale uu wasiirku codsaday in la dardar-geliyo dadaallada ay dowladaha Soomaaliya iyo Talyaaniga isaga kaashanayaan soo celin ammaanka Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRRO BADAN:

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Al-shabaab ay khatar ku yihiin amniga guud ee gobolka loona baahan yahay in si wadajir ah looga qaybqaato sidii lagu dabar-goyn lahaa.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka, S/guuto Daahir Aadan Cilmi oo isna hadal ka jeediyay  kulanka ayaa tilmaamay in ciidamada milateriga u baahan yihiin in laga caawiyo dhinacyada qalabeynta iyo tababbarrada si ay u dardar-geliyaan dadaalladdooda ku wajahan la dagaalanka argagixisada.

Jen. Indho-qarshe ayaa farta ku fiiqay in Somalia ay leedahay labo cadow oo kala ah Al-shabaab iyo burcad-badeedda kuwaasoo khatar ku ah jiritaanka iyo xasilloonida dalka iyo nabadgalyada shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, waxaa kulanka isna ka hadlay taliyaha guud ee ciidanka dalka Talyaaniga, Admiral Luigi Binelli Mantelli isagoo sheegay in Talyaaniga ay ka go’an tahay kordhinta taakuleynta iyo tababaridda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, gaar ahaan milateriga iyo booliska wuxuuna xusay in haatan uu indhihiisa ku arkay isbedel muuqdo oo ay dowladda Somalia ka gaartay xagga nabadgalyada dalka oo ay ciidamadu magaalooyin fara badan ka saareen Al-shabaab.

Kulankaan ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii ay 17-kii bishii September magaalada Rome ku wada-saxiixdeen wasiirrada difaaca Soomaaliya iyo Talyaaniga, kaasoo qodabbadii lagu gaaray ay ka mid ahaayeen qalabeynta iyo kordhinta tababbarrada ciidamada xoogga si loo soo af-jaro jiritaanka Al-shabaab iyo xulafadooda ajaaniibta ah ee ka dagaalamaya Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya






Banaanbax lagag soo horjeedo maamulka Puntland laguna taageerayo shirweynaha Khaatumo 3 ayaa lagu qabtay garoonka kubada cagta ee Xabaddo ee magaaladda Buuhoodle. Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururada Haweenka iyo dhalinyarada ee maamulka Khaatumo ee magaaladda Buuhoodle ayaa lagu soo bandhigay ....

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Shirkadda TAWAKAL EXPRESS ayaa tababar socday muddo saddex maalmood shaqalaaheeda ugu soo xirtay Muqdisho, kaasoo lagu baranayay shuruucda AML/CTF, macmiil wanaagga iyo adeegyada E-TAWAKAL.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 14-qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray bam gacmeed lagu weeraray maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Somalia oo howlo canshuur ururin ah ka waday suuqa deegaankaas.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA ayaa Daahfuray tartan caalami ah oo wariyeyaashu ka qaybgali doonaan oo lagu bixin doonno jaa’isado caalami ah.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo la hadllay HOL ayaa si adag uga soo horjeestay shirka ay soo qaban-qaabisay wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka ee magaalada Nairobi uga furmay sida la sheegay mas’uuliyiinta maamulada gobollada dhexe.

khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) -Kulan looga hadlayey saameynta ay yeelan karto xayiraadda uu bankiga Barclays ee dalka Ingiriisku kusoo rogey xawaaladaha Soomaalida ayaa ka dhacay magaalada London, waxaana kulankaas kasoo qayb galay qaar kamid ah mas'uuliyiinta xawaaladaha Soomaalida, madax ka socotey hay'ado caalami ah, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo badan.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, kaasoo looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin miisaaniyadda dawladda ee sannadka 2014-ta, dib u howl-gelinta boostadii dalka iyo weliba hoos u dhaca ku yimid afduubyadii burcad-badeedda.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Burcadbadeed Soomaaliyeed oo afar qof ayay maxkamad ku taalla dalka Kenya ku xukuntay min toddoba sano oo xabsi ah Arbacadii shalay, kuwaasoo sannadkii 2010 lagu qabtay howlgal ay ku doonayeen inay ku afduubtaan markab ganacsi.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugn deegaan u dhaxeeya Fool-feyle iyo Awdiinle ayaa saaka weeraray saldhig ay Al-shabaab lahayd, dagaalkaas oo muddo ayaa la sheegayaa inay labada dhinac uga dhigteen sideed qof, kuwo kalena ay kaga dhaawacmeen.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Shir looga hadlayo ganacsiga Dunida oo ka socda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay rugta ganacsiga Soomaaliyeed, waxaana shirkaas kasoo qaybgalay xubno ka socda 180 dowladood, shırkado, urarro ıyo labada wasıır ee horuarınta dalalka Turkiga iyo Jarmalka.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Maxkamada Al-shabaab ee deegaanka Labatan-jiroow oo 60-km u jira magaalada Baydhabo way dil ku fulisay nin lagu magacaabo Cabdi Karawey oo qirtay inuu kufsi iyo dil u geystay gabar yar oo sagaal sano jir ahayd.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Dood cilmiyeed looga hadlayay sidii looga hortagi lahaa marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed lagu hayo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka, culumaa'uddiin iyo qaybaha bulshada.

Raila Odinga oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka ayaa sheegay in wax lala yaabo ay ku noqotay Kenyaanka markii ay soo baxeen muuqaallo muujinaya ciidamada oo alaab ka xadaya xaruntii ganacsiga ee Westgate markii uu socday hawlgalkii lagula dagaallamayay kooxihii goobtaasi weeraray.

Khamiis, October 24, 2013(HOL) :- Warqad ku socotay dowladda Soomaaliya, egayga xoghayaha qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo beesha caalamka oo ay ku saxiixnaayeen siyaasiyinta kasoo horjeeda maamulka Jubba ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe islamarkaana nuqul kamid ah ay heshay shabakadda HOL ayay siweyn u dhaliileen habka dowladda Soomaaliya ay u maamuleeyso dib u heshiisiinta gobolladaasi, iyagoo baaq u diray dowladda iyo beesha caalamka.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Mas’uul sare oo ka tirsan nabad-sugidda dalka Norway ayaa sheegay in saddex sano ka hor ay dhowr jeer kulammo la qaateen Xasan Cabdi Dhuxuloow oo la sheegay inuu ka mid ahaa dadkii weeraray xarunta ganacsi ee Westgate Mall inuu ka haro fikirkiisa ah ka mid noqoshada kooxaha jihaad-doonka ah.

Khamiis, Oktoobar 24, 2013 (HOL) — Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya ayaa sheegay in qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha dalkaas aysan ahayn Al-shabaab wax lgu ahna aysan ku lahan falalka argagaxiso ee ka dhaca Kenya, isagoo xusay inay ka xun yihiin in qoxootigaas loo saariyo dhibaatooyinka ka dhaca Kenya.

Somali News

10/24/2013 2:47 PM EST
In the latest Mo Ibrahim index on Africa’s security situation, Kenya has incredibly been ranked among the most insecure places in Africa and by extension anywhere in the world.

10/24/2013 1:20 PM EST
OSLO, Norway — Somali immigrants in Norway fear that violent extremism is taking root in the community after reports of young Somali-Norwegians traveling abroad to join jihadist groups.

10/24/2013 4:20 AM EST
Former Kenyan Prime Minister Raila Odinga is in the US, sharing his thoughts about last month's terrorist attack at Nairobi's Westgate shopping mall. He says Kenyans were surprised when they learned that Kenya's security forces had looted the mall, while there to fight the terrorists.

10/24/2013 4:05 AM EST
The Pentagon has no plans to scrap the US military's Africa Command despite growing pressures on the defence budget, the general who leads the headquarters said on Wednesday.

10/24/2013 4:02 AM EST
The Maltese Prime Minister has accused Northern European leaders of "hypocrisy" over the handling of immigration into Europe.

10/24/2013 3:59 AM EST
"The high number of terrorist attacks Garissa has suffered compared to other counties in the country is a testament that al-Shabaab are among us," Garissa Senator Yusuf Haji told Sabahi.

10/24/2013 3:53 AM EST
The inspiring story of a former Burnsville, Minn., man who helped stabilize an area in his native Somalia has taken a detour after Belgian authorities arrested him this month on suspicion of assisting a pirate ringleader.

10/24/2013 3:50 AM EST
Four Somali pirates were sentenced to seven years each in prison on Wednesday by a Kenyan court that found them guilty of hijacking a fishing dhow in the Indian Ocean in 2010.

10/24/2013 3:45 AM EST
Police boss David Kimaiyo on Wednesday announced that journalists will be arrested and prosecuted over their coverage of the Westgate rescue operation.

10/24/2013 3:44 AM EST
Authorities are contemplating arming more civilians or employing more reservists in a bid the strengthen community policing.

10/24/2013 3:37 AM EST
Pirate attacks off the coast of Somalia are at the lowest level since 2006 because of tougher ship security and more Western naval patrols, while onshore al Shabaab militants have shifted tactics to guerrilla warfare, the United Nations said on Wednesday.

10/24/2013 3:35 AM EST
The Director of the Police Public Affairs of the Ghana Police Service, DSP Cephas Arthur has denied reports that Ghana would deploy about 90 personnel to strengthen the Peace Support Operations in Somalia which is mandated by the African Union.

10/24/2013 3:29 AM EST
Successes achieved by US-supported African forces fighting al-Shabaab in Somalia led to the deadly attack on Nairobi's Westgate Mall, the head of the US Africa Command (Africom) said on Wednesday.

10/24/2013 3:26 AM EST
Norway’s domestic intelligence service tried to prevent one of the suspected gunmen in the Nairobi mall attack from joining Somali militants more than three years ago, but failed to talk him out of it, the agency’s chief said in an interview Wednesday.
Click here