Xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweysay ka laabashada Mooshinkii laga geeyay Baarlamaanka Somalia (SAWIRRO)
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somalia ayaa soo dhaweysay go’aankii
uu baarlamaanka Somaaliya uga laabtay mooshinkii xukuumadda laga keenay, kaddib
shir ay golaha wasiirradu ku yeesheen maanta xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho,
kaasoo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax
Shirdoon (Saacid).
Golaha wasiirrada ayaa sidoo kale
shirkooda kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin federaalka, arrimaha ka taagan
Jubbooyinka iyo weliba wadahadalka lagula jira maamulka Somaliland.
Ra’iisal wasaaraha oo warbaahinta la
hadlay shirka golaha wasiirada kaddib ayaa sheegay inay soo dhaweyeen go,aankii
baarlamaanka ee looga noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumadda, wuxuuna ka
hadlay xaaladda ka taagan magaalada Kismaayo iyo wadahadallada u dhexeeya
Soomaaliya iyo Somaliland.
“Si wadajir ah baan u xallinay dareenkii
xildhibaannadii mooshinka keenay hadaan nahay labada gole ee dowladda. Kala
duwanaanta fikirka haddii si fiican loo isticmaalo wax badan baa laga
faa’iidaa, waxaana oran karaa - ka dawlad ahaan waan ka faa’iidaysannay
mooshinka. Maanta iyo maalintii la billaabay mooshinka - maantaan kalsooni
badannahay oo aan dhihi karaa faham buuxa ayaan ka qabnaa qaabka wadashaqeynta
labada gole,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo si weyn ugu mahadceliyay shacbiga
Soomaaliyeed ee taageerada buuxda u muujiyay xukuumadda muddadii mooshinku
socday.
Sidoo kale, ra’iisul waasaraha ayaa si
kooban uga warbixiyay horumarka ay ka gaareen arrimha guddaha iyo dhaqaalaha
dalka. Wuxuuna xusay inuu jiro kobac dhaqaale oo yididdiilo leh iyo in dalka dib
loogu soo noqonayo muddao dheer kaddib.
Ra’iisul wasaare Saacid ayaa intaas
kaddib ka hadlay arrimaha Kismaayo iyo barnaamijka dowladda ee ku aaddan
Jubaland. Wuxuuna ugu horreyn xusay in xukuumaddu leedahay mas’uuliyada federaalka
lagu gaarsiinayo dalka oo dha ayna
doonayso inay maamul-goboleedyadu ku dhismaan sida dastuurku dhigayo ee ummadda
Soomaaliyeed heshiiska ku tahay.
“Dariiqa loo marayo hirgelinta federaalka
waa inuu noqdo dariiqa saxda ah ee uu dastuurku qabo, waa in dowladdu leedahay
doorka hoggaamineed ee lagu samaynayo maamul-goboleedyada. Sidoo kale waa
muhiim in shacabka deegaanku u dhan yihiin oo isku waafaqsan yihiin. Waxaa
kaloo muhiim ah inaysan hakad galin la-dagaalanka argagixisada iyo sidii dalka loogu
soo dabaali lahaa nabadgalyo buuxda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaruhu yiri.
Dhanka kale ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka
hadlay wadahadaladii u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland oo
kulankiisa labaad lagu qaban doono magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga bisha
soo socota, isagoo sheegay inay wadahadaladaas muhiimad gooni ah u leeyihiin
ummadda Soomaaliyeed ayna taas ku baraarugsan tahay dowladdu.
“Xukuumad ahaan waxaan doonaynaa inaan
gaarno Soomaaliya oo mid ah; isla markaana federaal ah. Waddada aan u hayno
jidkaas midnimada waa in aan la sharaysan ee nalagu taageero hawsha naloo
igmaday. waxaana doonaynaa Soomaaliya oo mid ah, wax-dheeraad ahna ma doonayno,”
ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.
Waa markii ugu horreysay oo xukuumadda Somalia
ay muujiso mowqifkeeda ku aaddan mooshinkii laga geeyay baarlamaanka, iyadoo mooshinkan
ay ka soo horjeesteen shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya