Munaasabad lagu xusayo 50-guuradii kasoo Wareegtay markii la Aasaasay Midowga Afrika oo Muqdisho ka dhacaysa
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu xusayo sannad-guuradii 50-aad ee
kasoo wareegtay markii la aasaasay ururka Midowga Afrika ayaa maanta ka dhacay
Muqdisho, iyadoo lagu wado in madaxda dowladda ugu sarreysa ay ka qaybgalaan munaasabaddaas.
Munaasabaddan ayaa ka dhacaysa Xalane oo
ah xarunta ugu weyn ee ay AMISOM ku leedahay Soomaaliya, waxaana Muqdisho soo gaaray
saakay wufuud ka socda Midowga Afrika iyo dalal kale oo Afirkaan ah.
Ciidamada AMISOM ayaa adkeeyay ammaanka
xarunta Xalane iyo goobaha ku dhow iyadoo lagu wado in munaasabaddan ay ka
qaybgalaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).
Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa lagu wadaa
inay kulankaas ka jeediyaan hadallo ku aaddan howlaha ay ciidamada AMISOM ka
hayaan gudaha dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalladii ay la galeen Xarakada
Al-shabaab.
Ururka Midowga Afirka oo la aasaasay
sannadkii 1963-kii ayaa Soomaaliya waxay ka mid ahayd dalalkii lahaa fikirka
waxna ka aasaasay, waxaana ka ahaa madaxweyne xilligaas Allaha u naxariistee
Aadan Cabdulle Cismaan oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya.
Xubnaha ka qaybgalaya munaasabaddan ayaa waxaa
ka mid ah ergayga AU-da ee arrimaha Soomaaliya, danjire Maxamed Saalax Anaadiif
oo shalay soo gaaray Muqdisho, isagoo sheegay inuu kala qaybgalayo shacabka
Somalida dabaal-dagga loo sameynayo aasaaska Midowga Afrika.
Waa markii ugu horreysay oo munaasabad
lagu xusayo sannad-guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururka Midowga Afrika
lagu qabto Muqdisho tan iyo markii uu dalku galay burburka iyo colaadaha
sokeeye.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya