4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku Eedeeyay Al-shabaab in ay ka geysanayso Soomaaliya dambiyo badan


Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Xogyaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dambiyada ugu badan ee ka dhaca gudaha Soomaaliya ay 63% geysato Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Soomaaliya.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Al-shabaab ay wali dil ugu geysato shacabka Soomaaliyeed ayna bar-tilmaameedsato kuwooda aadka u jilicisan, isagoo xusay inay la wareegeen deegaanno baylah oo aanu ka jirin ammaan buuxa, inkastoo uu sheegay in dowladda cusub ee Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay amniga ku sugi lahayd.

Warbixin Toddobaadkan loo gudbiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayuu Ban Ki-Moon ku sheegay hadalkan, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay jirto siddeeda bilood ayna ku taagan tahay jidkii saxada ahaa ee lagu soo celinayay nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Xoghayuhu wuxuu ku ammaanay dowlada Soomaaliya inay dadaallada ugu jirto xoojinta iyo dhismaha hay’adaha dowliga ah ayna waddo qorshayaal ay ku doonayso inay ku gaarto deegaannada ay weli Al-shabaab ka taliso oo ka baxsan caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Ban wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay gacanta ka helaan ee AMISOM ay dadaal xooggan ku bixinayaan sidii ay u noqon  lahayd Muqdisho goob ammaan ka ah falal-dambiyeedyada dhacaya.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan ay dadaal badan ku bixiyeen sidii ay uga hortegi lahaayeen falalka ay Al-shabaab geysanayso, kuwaasoo khatar ku ah shacabka, xubnah dowladda iyo weliba shaqaalaha samafalka ee caalamiga ah.

Hadalka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa kusoo beegmaya isagoo magaalada Yokohama ee dalka Japan dhawaan ka sheegay in beesha caalamka ay dar-dar-geliso xal u helidda mashaakiladdii ay kusoo jirtay Soomaaliya 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya