4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 5 , 2013
Wafdi ka socday Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay Somalia UNSOM oo booqasho ku tagay Magaalada Baydhabo

Arbaco, Juun 05, 2013 (HOL) — Wafdi ka socda xafiiska cusub siyaasadda ee Qaramada Midoobey UNSOM ayaa shalay gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay maamulka gobalka Baay iyo qaar ka tirsan qaybaha kala duwan ee arrimaha bulshada.

Wafdigaas iyo maamulka gobalka Baydhabo ayaa yeeshay shir muhiim ah oo looga hadlayy arrimaha siyaasadda iyo waxqabadka gobalka, ku-simaha guddoomiyaha gobalka Bay, Cusmaan Macalin Cabdi ayaa wafdiga warbixin guud ka siiyay xaaladda gobolka.

Dhinaca, kale ee wafdiga ka socdey Qaramada Midoobey waxaa u hadashay gabadh la yiraahdo, Riyaan Ibraahim waxayna sheegtay in xafiis UNSOM ay ka furayaan magaalada Baydhabo, taasoo ay halkan u yimaadeen.

Xafiiska cusub ee UNSOM ayaa wuxuu bedelay xafiiskii hore ee UNPOS oo howshiisu ay ku ekeyd maalintii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay, waxaana xilka wareejiyay ergaygii hore ee Augustine Mahiga, iyadoo howsha uu la wareegay ergayga cusub ee Nicholas Kay.

Wafdigan ayaa horay u soo booqday Muqdisho iyo deeganno kale oo dalka ka tirsan si ay xafiiskan uga furan, iyadoo howgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu weji cusub yeeshay sida ay sheegeen wafdiga Baydhabo soo booqday.

Hiiraan Online, Baydhabo