4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumada Somalia oo sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo ku sugan Kismaayo ayaa sheegay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Fiqi oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya laga taageersan yahay Kismaayo, iyadoo la xusuusto in wafdiga wasiirrada ah ay dhowr maalmood ku xayirnaayeen garoonka diyaaradaha ee Kismaayo ka hor intii aan loo ogolaan inay gudaha u galaan.

Wasiirku waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay waddo shir ay isugu keenayso dhammaan dadka ku nool Jubbooyinka kaasoo Muqdisho ka dhici doona, balse ma uusan sheegin xilliga rasmiga ah ee shirkaas uu dhacayo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay bartamihii bishii hore u dirtay Kismaayo wafdi ka kooban 16-xubnood oo isugu jira wasiirro iyo xildhibaanno iyadoo wafdiga wasiirrada ah ay iyaguna halkaas u tageen sidii ay u xoojin lahaayeen guddigaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay shirkii lagu qabtay Kismaayo ee lagu dhisay maamulka Jubaland oo lagu doortay Axmed Madoobe, balse Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) ayaa isaguna sheegay in loo doortay inuu madaxweyne ka noqdo maamulkaas.

Sidoo kale, waxaa dhowr ruux oo kale oo ku sugan Kismaayo ay sheegeen in iyagana loo doortay madaxweynaha Jubaland, taasoo dhalisay in xiisado ay ka dillaacaan halkaas, inkastoo uusan gacan dhacay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay isgaarsiinta oo uu sheegay inay maagaalada ka go'an tahay, waxaana arrintaas uu ku tilmaamay mid khalad ah.

Maamulka Jubaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa cambaareeyay siyaasadda dowladda ee ku wajahan Jubbooyinka, balse shirkii IGAD ee lagu qabtay Addis Ababa dhammaadkii bishii lasoo dhaafay ayaa dowladda loogu baaqay inay Muqdisho ku qabato shir ay u dhan yihiin shacabka kasoo jeeda Jubbooyinka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya