4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay Hargeysa, kana warbixiyay Imaashihiisa (SAWIRRO)


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay maanta magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland kaddib markii uu muddo dheer ka maqnaa, isla markaana ahaa aqoonyahan si weyn uga soo horjeeday gooni isku-taagga Somaliland.

Boqolaal dadweyne ayaa ka qaybqaatay soo dhoweynta professor Samatar, kuwaas oo ka kala yimid gobolada Somaliland, isla markaaana lulayay caleemo qoyan, una tirinayey buraanburo loogu soo dhoweynayey.

Sidoo kale, dadweynaha soo dhoweeyey waxa ka muuqday ciyaaryahanada gobolada Gabiley iyo Boorame oo dharkii ciyaartoygoodda watay, isla markaana u sacabo tumayey.

Prof. Samatar oo diyaaradii uu soo raacay dhigtay madaarka Berbera, ayaa waxa diyaarad khaas ah usoo kireeyey xukuumadda oo ka soo dajisay madaarka Hargeysa, halkaasi oo dadweynaha iyo madaxda Somaliland ku sugayeen.

Aqoonyahanka ayaa markii uu diyaaradda ka soo degay ku sujuuday dhulka, ka dibna waxa uu bilaabay salaan gacan qaad ah oo uu boqolaalkii dadweyne oo saf dheer ugu jiray dhamaantoodba salaamay.

Guddoomiyaha guddida xukuumadu u xilsaartay soo dhoweyntiisa Cabdilaahi Geeljire oo ah wasiirka kulluumaysiga iyo khayraadka badda ayaa sheegay in aqoonyahanka ay ku soo dhoweynayaan dhulkiisa hooyo, isla markaana ay ku faraxsan yihiin  imaanshihiisa.

Siyaasi Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay ku soo guryo noqoshadda gurigiisa, maadaama oo muddo dheer ugu dambaysay, waxaanu xusay inay u qorshaysan tahay inuu dhamaan gobolada uu soo wada maro, isla markaana uu bulshada qaybaheedda kala duwan la kulmi doonno.

“Sababtaan u imid Somaliland waxa weeye marka aad wax weyn u timaado laba amuurood ayaa kugu waajiba, kow waxa kugu waajiba inaad dhagahaaga furto oo aad dhagaysato iyo inuu afkaagu xirnaato oo uuna furnaado dareenkaagu, waxa weyn ee aan sheegayo waxa weeye waa Somaliland, Somaliland waxay ahaan jirtay waddan intaan gobonimada la qaadan, magacu shalay muu dhalan, dad iyo qaran baa jira, waxaa igu waajib ah inaan darso oo aan la sheekaysto hamadooda iyo noloshooddu siday tahay aan dareemo”ayuu yidhi Samatar mar uu ka hadlayey sababta uuu yimid, isagoo sheegay inuu casuumad ka helay madaxweynaha Somaliland.

“Arrinta Somaliland maaha wax indhaha laga qarsan karo, muddo badan ayaan ka hadlayey waana la doodaa Somaliland, waayo xaq baan ku leeyahay in aan la doodo ana xaq baa la igu leeyahay, inta aan hadlayey haddii aad dib u baadhaan waxaad garan doontaan inay aduunyadu u garato Somaliland waxay qabsatay oo aan meelo kale loo soo marmarin ee toos loola hadlo, iyadoo aduunyadda hareeraha ka xigaa burbursan tahay, dabadeedna abaalkeedda la siiyo, labaatan sanno ayaan arrintaasi ka hadlayey wax cusub oo aan soo saarayo maaha, waxaanan jeclahay in madaxda iyo shacabka warkooda aan dhagaysto, war baan buuxaa anigu, wadankana war baa buuxa ee waa in aan dhagaysto oo aan wax ku qaato, Somaliland meel aan kaga tagayo ma jirto waana halkii ilaahay iga abuuray,” ayuu yidhi mar uu ka hadlayey waxa uu ka aaminsan yahay qadiyada madax banaanidda Somaliland.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa ka gaabsaday inuu wax badan yidhaahdo, waxanu ku soo koobay inuu war badan bixin doono marka uu xog badan helo, isla markaana madaxda iyo madax dhaqameedka  la kulmo.

Si kastaba ha ahaatee, maalmihii u dambeeyey ayaa magaaladda Hargeysa si weyn looga dareemayey soo dhoweyntiisa, waxaana wadooyinka lagu xidhay boodhadh waaweyn oo ay ku xardhan yihin sawirkiisa, waxaana wadada kala xidhay boqolaal gaadiid ah oo loogu soo dhoweyanayey.







Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]  
Hargeysa, Somaliland