4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 9 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo ka qaybgalay dabaaldagga Maalinta Xorriyadda Waddanka Koonfurta Suudaan (SAWIRRO)


Talaado, July 09, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay maanta xafladda maalinta xorriyadda dalka Koofurta Suudaan oo ay u dabaaldagtay sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii ay xorriyadooda qaateen, iyadoo ay ka qaybgaleen madax kala duwan oo Qaaradda Afrika ka socotay sida madaxweynayaasha Ugandha, Rwanda, Botswana iyo mas’uuliyiin kala oo ka socday dalalka Afrika qaarkood.

Madaxweynaha oo ka mid ahaa madaxdii khudbadaha ka jeediyay xafladda ayaa yiri: “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan idin kala soo qeybgalo xafladdan aad ugu dabaaldegeysaan sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii aad xornimadiina qaadateen. Dadaalkii nabadeynta iyo heshiiyadii Suudaan iyo Koofurta Suudaan ayaa sababay in si walaaltinimo leh aad u heshaan xornimadiina.”

“Sanadka soo socda waxuu noqonayaa midkii ay Koofurta Suudaan ku gaari lahayd horumar baaxad leh ayna ka gudbi lahayd caqabadihii sannadihii hore aad si nabad ah uga soo gudubteen. Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan oo aan xalay la kulmay ayaa iga codsaday in hortiinna aan uga mahad-celiyo madaxweyne Salva Kiir, dowladdiisa iyo shacabka Koonfurta Suudaan sida aad u saacideen jaaliyadda Soomaaliyeed oo iyaga diyaar u ah inay sii wadaaan doorkooda maal-gashiga dalkiinna. Soomaalidu aad bay ugu horreeyaan dhanka ganacsiga oo magaaladan Jubba iyo magaalooyin kaleba ay si qurux badan uga dhex-muuqdaan,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiisa.

Madaxweynaha Somalia ayaa ugu dambeyn kusoo gabagabeeyay hadalkiisa hambalyo uu u diray shacabka Suudaan, isagoo sheegay in madaxda Afrika ay diyaar u yihiin inay dalka Koonfurta Suuudaan kala shaqeeyaan sidii ay ku gaari lahaayeen horumar.

Intii munaasabaddu socotay waxaa is-gacan qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo wasiiradda arrimaha dibadda dalka Kenya, Aamina Maxamed oo dalkeeda uga qaybgalaysay xafladda, iyagoo halkaas isku dhaafsaday hadal kooban.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya