4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Siyaasiyiin ka tirsanaa Xisbiga Bidix ee dalka Sweden oo Muqdisho lagu toogtay


Ann-Margarethe Livh  iyo Abdirahim Hassan


 

Khamiis, August 22, 2013(HOL)—Sida ay xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden waxaa maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya siyaasiyiin ka tirsanaa xisbiga bidix (Vänsterpartiet) ee dalka Sweden, kuwaasi oo Muqdisho u tegay barnaamij ku saabsan horumarinta waxbarashada.

 

”Waxaan xaqiijin karnaa in haweeney Sweden u dhalatay maanta Muqdisho lagu toogtay,balse ay nooshahay, isla markaana ay la hadashay Safiir Swedish ah. Waxaa la dhigay Isbitaalka Amisom ee Muqdisho, waxaana loo sii gudbin doonaa Nairobi, si halkaas loogu daweeyo”ayay tiri Camilla Åkesson Lindblom oo ah afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden.

 

Siyaasiyiintan oo kala ah Abdirahim Hassan oo  24 jir ah, isla markaana ka tirsanaa Dhalinyarada Xisbiga Vänsterpartiet iyo Ann-Margarethe Livh oo ah xubin sare oo ka tirsan  xisbiga Vänsterpartiet ayaa labaduba waxaa saaka lagu weeraray bannaanka hore Jaamacad ay hadal ka jeedin lahaayeen.

 

Ann-Margarethe Livh ayaa markii cagaha dhigtay Magaalada Muqdisho waxay goobteeda farriimeed ee TWITTER ay ku sheegtay in ay booqasho deg deg ah ku tagtay Muqdisho, iyadoo xustay in booqasheeda deg degta ah ah ay hadiyad u tahay duqa magaalada Muqdisho, waa sida hadalka u dhigtaye.

 

Abdirahim Hassan iyo darawalka gaarigii ay la socdeen ayaa goobtii weerarka ka dhacay ku geeriyooday, halka Ann-Margarethe Livh uu soo gaaray dhaawac, kaasi oo haatan looga daaweynayo Isbitaal ku yaalla dalka.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Jonas Sjöstedt oo la hadlay TV-ga SVT ee dalka Sweden ayaa sheegay in ay si weyn uga xun yihiin geerida naxtinta leh ee ku timid Abdirahim Hassan iyo dhaawaca loo geystay Ann-Margarethe Livh, wuxuuna ku tilmaamay dhibka dhacay masiibo xanuun badan.

 

Dhibanayaasha ayaa Muqdisho u tegay meel-marinta barnaamij la xiriira horumarinta waxbarashada Soomaaliya, waxayna dhibaatada loo geystay ay niyad-jebineysaa hay’adaha iyo shakhsiyaadka doonaya in ay gacan ka geystaan horumarinta Soomaaliya dhinac walba.

 

Weerarka lagu qaaday siyaasiyiintan ka tirsanaa Xisbiga bixida ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho uu dhawaanahan ahaa mid laga deyrinayay, isla markaana weerarro lagu qaaday xarumo  dowladeed oo ku yaalla bartamaha Muqdisho, dhismo ay deganaayeen shaqaale Turkiga u dhashay oo howlo samafal ah u jooga Muqdisho iyo xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho.

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]