4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 21, 2013
Xukuumadda Somaliland oo Qorshe lagu Caawinayo muddo Saddex sano ah hordhigtay wafdi ka socday Ururka Midowga Yurub (SAWIRRO)


Arbaco, August 21, 2013 (HOL) — Wasiiradda Arrimaha dibadda iyo Qorsheynta oo ka warbixiyey kulan ay maanta la yeesheen wefti ka socda midowga Yurub iyo xubno ka socday safaaradaha Sweden, Denmark iyo Holland.

Weftigan reer Yurub ka socda iyo xubno wasiiro ah ayaa maanta shir ku yeeshay xarunta wasaaradda Qorsheynta Qaran, kuwaasi oo ka wada hadlay qaabkay u wada shaqanayaan iyo qorshaha Somaliland ugu tallogashay inay qaadhaan bixiyeyaashu ula shaqeeyaan.

Wasiirka Qorsheynta Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay weftiga ka wada hadleen qorshaha Somaliland u doonayso In loo caawiyo iyo meelaha baahiyaha muhiimka ahi ka jiraan ee qaadhaan bixiyeyaasha looga baahan yahay inay wax ka qabtaan.

“Waxaa maanta halkan inoogu yimid wefti ka socda EU-da  iyo xubno ka socda safaaradaha Sweden iyo Denmark iyo xubin ka socota ururkan OCD, Waxay inoogu yimaadeen inay ina dhagaystaan oo inagala qayb galaan habka la inoo caawinayo oo aynu diyaarsanay, kuwaas oo aanu doonayno inay inoo caawiyaan wadamadda midawga Yurub”ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta oo kulankii dhexmaray iyaga iyo weftiga ka hadlayey, waxaanu intaas ku daray “waa qoraal wali qabyo ah oo wali socda, waxaana rajaynaynaa  inaanu u qaadno magaalada Nairobi oo aanu u soo bandhigno deeq bixiyayaasha”.

Wasiirku waxa uu sheegay in qorshahan lagu caawin doonnaa uu noqon dono mid saddex sanno ah, isla markaana ay hay’adaha iyo dalalka qaadhaan bixiyeyaashu ku caawin doonaan qaabkay ay diyaarsadeen.

Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu sheegay in qorshahani yahay mid ku salaysan xaaladda iyo heerka uu dalku marayo, isla markaana baahiyaha jira si cilmiyeysan loo qorsheeyey.

“Waxaanu aad ugu faraxsanahay inay nala garteen inay nala shaqeeyaan oo hawsha qabyada ah nala dhamaystiraan, waxaanu ajandahayagu yahay in   dhaqaale iyo horumar aynu waydiisano ururka EU-da oo ay wax inala qabtaan”ayuuu yidhi Maxamed Yoonis oo  ka hadlayey qorshan saddexda sanno ee ay u gudbiyeen midowga yurub in lagu caawiyo.

Isagoo faahfaahinaya qorshahani waxa uu yahay waxa uu yiri: “Ajandahayagu waxa uu ahaa in la sameeyo qorshe gaara oo ku salaysan wadciga wadanka yaala iyo horumarka aanu rajaynayo”

“Beesha caalamka, ururka midawga yurub,baanka aduunka waxay wasaarada qorshaynta qaranka iyo wasiirada kale ka wada doodayeen  ajandaha Somaliland iyo midawga yurub u dhaxeeya ee lagu caawinayo Somaliland”ayey tidhi Mrs:Esabel oo ka hadlayey waxyaalaha ay wasiiradda Somaliland ka wada hadleen.

Dhinca kale, Safiirka dalka Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa la kulmay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Sillaanyo, waxaanu madaxweynuhu ku soo dhoweeyey xafiiskiisa.

Safiirkan iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay qaabkii ay wada shaqayn lahaayeen iyo sidii dalka Holland xidhiidh ula yeelan lahaa Somaliland.




Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland