3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Hay'adda ICRC oo sheegtay in Colaadaha iyo Roob yaraanta Somalia ay dheereeyeen sugnaan la’aanta Cunnada
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Gudiga caalamiga ah ee laan-qeyrta cas (ICRC) ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah inay ka walaacsan tahay xaaladda shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo weli u nugul cunto yari sanad kaddib markii ay bilaabatay abaarta, iyadoo hay'addu ay sheegtay in xalaaddu ay u muuqato mid sii jiri doonto taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha iyo roob yarida jirta.

“Waxaa mahad iska leh dadaallada samafaleed iyo dalagii ugu dambeeyay ee soo go’ay, kuwaasoo soo hagaajiyay xaaladda guud ee nafaqada tan iyo sanadkii hore. Laakiin, Soomaali badan ayaa weli la-daala-dhacaya inay daboolaan baahidooda aasaasiga ah, qiyaasaha soo baxayna waxay muujinayaan inay nafaqo-darridu ay cirka isku shareertay," ayuu yiri, Olivier Humbert Droz oo ah ku xigeenka madaxa ICRC).

Mr Droz oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri: “Intaas waxaa dheer, isku dhacyada hubeysan ee sii socda waxay ku qasbayaan dadka inay ka cararaan deegaankooda ama carqaleedayaan wax-soo-saarka cunnada iyo holwlaha kale ee dhaqaalaha.”

Sarkaalkan u hadlay ICRC wuxuu sheegay in roobabkii sannadkan ay bilhii Abriil iyo Juun ka yaraayeen heerkii caadiga ahaa, meelaha qaarkoodna aysan helin roob ku filan, isagoo xusay in tani ay khatar gelinayso awooddii qoysas badan ay ku tacban lahaayeen beerahooda ama ku dhaqan lahaayeen xoolaha nool si ay noloshooda u dabartaaan.

“Isku dhacyada hubeysan ee kasii socda Soomaaliya waxay kasii dareen xalaadda ka jirta deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan,” ayuu yiri ku xigeenka ICRC oo soo saartay warbixintan.

Hay'adda ICRC waxay sheegtay in markii ay billaabatay abaartii sannadkii hore ay caawiyeen iyagoo kaashanaya ururka bishan cas ee Soomaaliyeed dad gaaraya illaa labo milyan oo qof kuwaasoo ay siisay raashin ku filan, iyadoo xustay in gargaarkan ay ka bixisay gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo weliba Puntland.

“ICRC-da waxay ka jawaab bixinaysay baahida deg-deg ah iyo midda fog ee dalka Soomaaliya iyadoo fulinaysa mashaariic loogu tala-galay in lagu hagaajiyo nolosha iyo sugnaanta dhaqaale ee bulshooyinka ay aafeeyeen sanado badan oo dagaal iyo masiibooyin dabiici ah,” sidaa waxaa yiri isku-duwaha mashaariicda sugnaanta dhaqaale ee dalka, Maxamed Sheekh Cali. “Ujeeddadeenu waa inaan hagaajino isku filnaanshaha. Marka dhinca layska dhigo masiibooyinka dabiiciga ah, kuwa helay gargaarka waxay haysataan raashiin ku filan oo ay ku daboolaan baahidooda guri ee aasaasiga ah ugu yaraan lix bilood.”

Hay'adda ICRC waxay sheegtay in inkastoo cunno-qaybinta mar-mar loo baahan yahay si loo yareeyo dhibaatada dhow haddana ay caawiyaan bulshooyinka si ay u xoojiyaan ama u joogteeyaan taageeradooda.

Ugu dambeyn, hay'adda laan-qeynta cas waxay sheegtay in intii lagu jiray sanadkii tagay ay gargaarkeeda ka faa'iideysteen in ka badan 640,000 oo qof si kor loogu qaado wax-soo-saarka beeraha iyo xoolo la dhaqdo, iyadoo intaas ku dartay inay 200,000 oo qof siisay biyo nadiif ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/29/2012 3:30 PM EST
Jimce, June 29, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xalay Buug ay ku qoran yihiin Taariikh nololeedki iyo qaybo ka mid ah Suugaantii Abwaan: Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Af Ingiriisi ah ku soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

6/29/2012 9:35 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaaday dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo taliyaha booliiska Soomaaliya uu sheegay in tani qayb ka tahay kaalmada uu Turkigu u fidinayo Soomaaliya.

6/29/2012 9:19 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kale oo ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Dubai, kaasoo la xusay inuu gabo-gabo u ahaa kulankii shalay dhacay.

6/29/2012 9:13 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay doonayso in si khasab ah ay ku dagaal geliso shacabka ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhallinyarada.

6/29/2012 9:12 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay shirkii dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum.

6/29/2012 8:38 AM EST
Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay u diyaar garoobaan xuska sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madaxbannaan.

6/29/2012 8:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa afar shaqaale samafal ah oo u shaqeynayay haya'dda Norwegian Refugee Council (NRC) ka afduubay maanta deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

6/29/2012 7:31 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay isniintii hore madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibada Hillary cilinton.

6/29/2012 7:29 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii Dubai ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

6/29/2012 7:24 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la soo xiriiray HOL ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in weerar loo adeegsaday miino lagula eegtay magaalada Beledweyne ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya kuwa maamulka gobolka.