Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la soo xiriiray HOL ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in weerar loo adeegsaday miino lagula eegtay magaalada Beledweyne ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya kuwa maamulka gobolka.
Max’ed Nuur Caga-joof waxaa uu sheegin in uusan jirin wax qarax ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne, isaga oo intaa ku darray in wararka noocaas oo kale ah yihiin kuwo qal qal galin kara nabad-galyada magaalada Beledweyne.
"Waxaan leenahay warbaahintu ka fiirsato wararka noocaas oo kale ah, xitaa haddii ay u xaqiijiyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka waa in ay xooga saaraan xaqiijinta warka dhab ahaanshihiisa,’’ ayuu yiri afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday xaalada nabad-galyada magaalada waxaa uu sheegay in ay tahay mid hagaagsan, islamarkaana ay sugayaan amaanka degmada Baladweyne ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo kaashanaya kuwa dowladda Itoobiya.
"Magaalada nabad-galyo buuxda ayaa ka jirta, dabcan mar marka qaar wax yaabaha dhaca waxaa ay la wadaagtaa dalka intiisa kale, laakiin waxaa kuu xaqiinaya marnaba in uusan jirin wax qarax ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne maalintii shalay,’’ ayuu yiri Max’ed Nuur Caga-joof.
Waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta maamulka gobollka oo iskaashi buuxa saraakiisha Itoobiya gacan bir ah ku qabanayaa nabad-galyada degmada Baladweyne ee xarunta maamulka gobollka Hiiraan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan oo beeniyay in Qarax lagu weeraray Ciidanka Itoobiya uu ka dhacay Baladweyne
More News
- Daah-furka Buug cusub oo laga qoray Abwaan Timacadde oo Ingiriisi ku qoran oo xalay magaaladda Hargeysa lagu soo bandhigay
- Hay'adda ICRC oo sheegtay in Colaadaha iyo Roob yaraanta Somalia ay dheereeyeen sugnaan la’aanta Cunnada
- Ciidammo iyo Saraakiil ka tirsan Booliiska Somalia oo maanta markii ugu horreysay tababar loogu qaaday dalka Turkiga
- Madaxweynaha Somaaliya iyo Madaxweynaha Somaliland oo ku heshiiyay in la isku furo Ganacsiga Labada Dhinac
- Xildhibaan ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay si khasab ah ku dagaal-gelinayaan Shacabka ku nool Kismaayo
- Dibadbax lagu taageerayay kulankii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo Muqdisho ka dhacay
- Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi oo dadweynaha ugu baaqday inay kasoo qaybgalaan xuska 1-da Luuliyo
- Kooxo hubeysan oo afduub iyo dil u geystay shaqaale Ajnabi ah oo ka howlgalayay Xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya
- Safiirkii Maraykanka u fadhiyay dalka Kenya oo iska casilay xilkiisii
- Madaxweynaha Puntland oo kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay Shirki Sheekh Shariif iyo Axmed Siilaanyo dhexmaray