3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 29, 2012
Dibadbax lagu taageerayay kulankii dhexmaray Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo Muqdisho ka dhacay
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Dibadbax ballaaran oo lagu taageerayay shirkii dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ayaa maanta ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Koonis Istaadiyum.

Isku-soo-baxaan ayaa waxaa ka qaygbalay mas'uuliyiin kala duwan oo DKMG ah ka tirsan kuwaasoo ay ka mid yihiin guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekunaa Maye, wasiirro, guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo marti-sharaf kale.

"Waan soo dhaweynaynaa kulankii dhexmaray madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somalilan, waayo waa astaan wanaagsan...waa astaantii midnimada, waa astaantii dib-u-soo noolasha, waa astaantii horumarka," ayuu yiri duqa Muqdisho, Tarsan oo la hadlay dadkii dibadbaxa kasoo qaybgalay.

Sidoo kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir wuxuu ku eedeeyay, Sheekh Mukhtaar Roobow, Sheekh Fu'aad Shangole iyo Sheekh Cali Dheere oo tirsan saraakiisha sare ee Al-shabaab inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada.

"Cali Dheere, Shangole iyo Roobow, haddii aad mooddeen inaad dadkan diinta ku hoggaaminaysaa waa qaldan tihiin, waxaana dadka ku hoggaaminaysaan dhibaato, waayo wiilal yar-yar ayaad u soo dhiibaysaa bambooyin si ay shacabka ugu laayaan waana ka hortagaynaa taas," ayuu Tarsan mar kale yiri.

Sidoo kale, waxaa mudaaharaadka ka hadlay wasiir u dowlaha wasaaradda difaaca DKMG ah ee Soomaaliya, Maxamuud Macallin Nuur, isagoo sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo ku weyn ummadda Soomaaliyeed.

"Maanta waa maalin ku weyn ummadda Soomaaliyeed, waana maalin taariikhi ah. Heshiiskii ay gaareen madaxda Soomaalidu wuxuu ahaa is-afgarad lagu dhameynayay khilaafaadka iyo waxyaabaha la kala tabanayo ee u dhexeeya ummadda Soomaaliyeed," ayuu yiri wasiir u dowlaha oo sheegay inuusan shaki ku jirin in wadahadalladan ay meesha ka saarayaan shakiyadii jiray.

Ugu dambeyn, dadweynihii ka qaybgalay mudaaharaadka oo iyaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan wadahadallada u furtay Soomaaliya iyo Somaliland, iyagoo muujiyay in heshiis kama dambeys ah lagu gaari karo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/29/2012 3:30 PM EST
Jimce, June 29, 2012 (HOL)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa xalay Buug ay ku qoran yihiin Taariikh nololeedki iyo qaybo ka mid ah Suugaantii Abwaan: Cabdilaahi Suldaan Timacadde oo Af Ingiriisi ah ku soo bandhigay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

6/29/2012 10:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Gudiga caalamiga ah ee laan-qeyrta cas (ICRC) ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay maanta oo Jimco ah inay ka walaacsan tahay xaaladda shacab badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo weli u nugul cunto yari sanad kaddib markii ay bilaabatay abaarta, iyadoo hay'addu ay sheegtay in xalaaddu ay u muuqato mid sii jiri doonto taasoo ay ugu wacan tahay colaadaha iyo roob yarida jirta.

6/29/2012 9:35 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Ciidammo iyo saraakiil ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horreysay loo qaaday dalka Turkiga si ay tababar ugu soo qaataan, iyadoo taliyaha booliiska Soomaaliya uu sheegay in tani qayb ka tahay kaalmada uu Turkigu u fidinayo Soomaaliya.

6/29/2012 9:19 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa maanta kulan kale oo ay albaabbadu u xiran yihiin ku yeeshay magaalada Dubai, kaasoo la xusay inuu gabo-gabo u ahaa kulankii shalay dhacay.

6/29/2012 9:13 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Xildhibaan Maxamed Cumar Geeddi oo kasoo jeeda gobolka Jubbada hoose ayaa ku eedeeyay Xarakada Al-shabaab inay doonayso in si khasab ah ay ku dagaal geliso shacabka ku nool magaalada Kismaayo, gaar ahaan dhallinyarada.

6/29/2012 8:38 AM EST
Safiirka Soomaalida u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya inay u diyaar garoobaan xuska sannad guuradii 52-aad ee kasoo wareegatay markii ay Soomaaliya noqotay Jamhuuriyad madaxbannaan.

6/29/2012 8:02 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa afar shaqaale samafal ah oo u shaqeynayay haya'dda Norwegian Refugee Council (NRC) ka afduubay maanta deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

6/29/2012 7:31 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) - Scott Gration ayaa la sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay isniintii hore madaxweynaha dalka Maraykanka Barrack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibada Hillary cilinton.

6/29/2012 7:29 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Max'ed Faroole ayaa kasoo horjeestay qodobbadii kasoo baxay kulankii Dubai ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo).

6/29/2012 7:24 AM EST
Jimco, June 29, 2012 (HOL) — Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la soo xiriiray HOL ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in weerar loo adeegsaday miino lagula eegtay magaalada Beledweyne ciidamada Itoobiya ee gacanta ku siinaya kuwa maamulka gobolka.