3/27/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Dood cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka ku yeelan karaan xasiloonida iyo Nabadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasiloonida dalka oo ay ka qayb-galeen boqolaal haween ah ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

Ururka Midowga Dhallinyarada Soomaaliyed ee UYS oo soo qaban-qaabisay doodda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed iyo haween kale oo fara badan.

Guddoomiyaha UYS, Ciise Xasan Diinax oo furay doodda ayaa sheegay in haweenka ay door muhiim ah ka qaadan karaan hogaanka bushada iyo inay kaalin ka geystaan nabada iyo horumarinta dalka.

"Waxaa sharaf ii ah inaan kasoo qaybgalo dooddan, runtii haweenka Soomaaliyeed iyaga hoggaan u ah bulshada, waxaana xubaa inay door muhiim ah ku leeyihiin ka shaqeynta nabada dalka iyo horumarkiisa oo hadda ifafaalaheedu muuqdo," ayuu yiri Ciise Diinax.

Sidoo kale, guddoomiyaha UYS ayaa sheegay in haweenka ay maamulaan guryaha, isla markaana nabada kasoo bilaabi karaan carruurtooda iyo raggooda si xasilinta dalka ay uga qayb-qaataan.



Guddoomiyaha degmada wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay in bulshada dhiiri-geliyaan, si nabada loo sugo, waxayna ugu baaqday in ciidamada ammaanka ay la shaqeeyaan.

"Haweenka waa dhiiri-geliyaha bulshada iyo nabadda, waa inay la shaqeeyaan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliay si ay u dhiirrigeliyaan, ciidamada waxay gaareen meelihii ay kasoo weerari jireen," ayay tiri.

Xaawo Cali Maxamuud (Xaawo Kiin) oo iyaduna hadashay ayaa sheegtay in looga baahan yahay haweenku ka qayb-qaataan horumarinta dalka, iyadoo xustay inay jiraan caqabado haweenka ku gudban, kuwaasoo ay ka mid yihiin tacadiyo, kufsi iyo jir-dil, waxayna ku baaqday in haweenka la xaq-dhowro.

Sidoo kale, Raxmo Dahir Maxamed oo ka mid ah guddiga Haweenka UYS oo iyadana doodda ka hadashay ayaa sheegtay in haweenka ay ka qeyb-qaateen sidii dalka uu ku heli lahaa xorriyad, isla markaana doorkooda yahay mid lama taabtaan ah.



Waxaa kaloo ka hadlay doodda, Luul Warsame Guuleed, Carfoon wehliye Siyaad iyo Faadumo Axmed Geeddi oo ka mid ah guddiga haweenka ee UYS, kuwaasoo xusay in haweenka sida kaliya nabadda uga qayb-qaadan karaan ay tahay inay iyagu isku xirnaadaan, isla markaana ay guri-guri, xaafad-xaafad iyo tabeello-tabeello ay isugu xiraan bulshada iyo xoojinta ammaanka

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedka waxaa soo xirtay, Jawaahir Baarqab oo sheegtay inay jiraan dad aan nabadda ogoleyn, waxayna xustay in xilliga kala guurka looga bixi karo in la adkeeyo ammaanka iyo xasiloonida, iyadoo ammaan u soo jeedisay hay'adda UYS oo soo qaban-qaabisay dood-cilmiyeedkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/28/2012 8:39 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka kasoo saaray go'aan ay ku sheegayaan in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.

6/28/2012 8:22 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badan ka sameeyay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.

6/28/2012 7:49 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciiddamada Laanta socdaalka ee Madaarka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera ayaa sheegay inay qabteen 12 Caruur ah oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la socday Diyaarada ka soo kicitimtay Magaaladda Muqdisho.

6/28/2012 7:29 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo jeediyeen.

6/28/2012 7:01 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay odayaasha dahaqanka ee ku shirsan Muqdisho qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la qorsheynayo in bisha soo socota la ansixiyo.

6/28/2012 6:57 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Abaabullo ciidan iyo xiisado dagaal oo aad u xoooggan ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Biibi, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

6/28/2012 3:04 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda ayaa ka sheegay in dowladdiisu ay muddo sannad ah ku cirib-tirayso burcadbadeedda haddii la siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

6/28/2012 1:30 AM EST
Khamiis, Juun 28, 2012 (HOL) - Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ay goob colaadeed ahayd muddo ka badan labaatameeyo sano, waxaana dadkii ku dhaqnaa gudaheeda ay dantu ku qasabtay in ay isaga cararaan, si ay naftooda amaan ugu helaan