Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badan ka sameeyay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.
Dhallinyarada howlgalkan lagu soo qabqabtay oo tiradooda lagu sheegay labaatan ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayna ka mid ahaayeen kuwii fuliyay weerarkii xalay dhacay.
"Saldhigga booliiska iyo gurigeyga ayaa xalay la weeraray, mana jirto cid wax ku noqotay weerarkaas," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo la hadlay saxaafadda.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in weerarkan uu ahaa mid ay Al-shabaab ku doonayso inay taageerayaasheeda ku tusto inay weli qaybo ka mid ah Muqdisho ku sugan yihiin, isagoo xusay inay degmada ka billowdeen howlgallo lagu sugayo ammaanka.
Howgallada laga sameeyay degmada Huriwaa ayaa intii uu socday waxaa xayirnaa isku socodka gaadiidka, dadka iyo ganacsiga, iyadoo degmadan ay ka mid tahay degmooyinkii ay ku dagaalameen ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo xoogaggii Al-shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay xaafado dhowr howgalka ka sameeyeen, iyagoo sheegay in dadka la qaybtay ay ahaayeen kuwo dhallinyaro ah, iyadoo dadka waaweyn lasii daynayay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada DKMG ah oo Maanta howgallo ka sameeyay degmada Huriwaa kaddib Markii la weeraray Saldhigga iyo guriga guddoomiyaha
More News
- Golaha Ammaanka ee QM oo sheegay in Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud aysan lug ku lahayn eedeymo horay loogu jeediyay
- Ciidamadda laanta Socdaalka ee Somaliland oo qabtay Caruur laga keenay Muqdisho oo loo Tahriibinayay Dalalka Carabta
- Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Somaliland oo ku kulmay Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta (SAWIRO)
- Dood cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka ku yeelan karaan xasiloonida iyo Nabadda dalka oo Muqdisho lagu qabtay
- Dowladda KMG Soomaaliya oo maanta u gudbisay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub
- Xiisado Dagaal oo ka Taagan Inta u Dhexeysa Degmada Afmadow iyo Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubada Hoose
- Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in muddo yar ay kaga adkaanayaan burcad-badeedda haddii la caawiyo
- Isbedalka Ammaanka Muqdisho iyo dib u laabashada Qurbe-joogta Soomaalida