3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Dowladda KMG Soomaaliya oo maanta u gudbisay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed Qabyo Qoraalka Dastuurka Cusub
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay odayaasha dahaqanka ee ku shirsan Muqdisho qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la qorsheynayo in bisha soo socota la ansixiyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan wasiirka beeraha iyo wasirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya ayaa dastuurka u gudbiyay odayaasha dhaqanka.

"Odayaashu waxay halkan fadhiyeen muddo laba bilood ku dhow, maanta ayaana loo keenay markii ugu horreysay qabyo-qoraalka dastuurka, haddii aan u aragno in dani ay ugu jirto dalka waan aqbalaynaa, haddii aan u aragno inaysan dani ku jirina ma ogolaanayno," ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo odayaasha dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho ka mid ah.

Sidoo kale, Xaad wuxuu sheegay in loo qaybiyay 80-nuqul, loona sheegay in loosoo dhameystiri doono tirada ka dhiman, isagoo xusay inay maqleen in dastuurkan wax lagu kordhiyay waxna laga dhimay, balse ay ka hadli doonaan markii ay arkaan.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo la hadlay odayaasha ayaa sheegay in nuqulkan uu yahay kii ay diyaariyeen guddiga madaxa-bannaan ee qabyo-qoraalka dastuurka, iyadoo aysan goobta ku sugnayn xubnaha guddiga qoraalka dastuurka.

"Waxaa la idinka doonayaa inaad sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbisaan ergada ansixinaysa dastuurka, si howsha ansixinta loo dadajiyo," ayuu Shariif Xasan ku yiri hadal uu u jeediyay odayaasha dhaqanka.

Odayaasha dhaqanka oo tiradoodu tahay 135-xubnood ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo xulaan ergadii ansixin lahayd dastuurka oo gaaraya 825-xubnood, kuwaasoo isugu jira waxgarad, dhallinyaro, aqoonyahanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya












Click here
6/28/2012 8:39 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka kasoo saaray go'aan ay ku sheegayaan in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.

6/28/2012 8:22 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badan ka sameeyay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.

6/28/2012 7:49 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciiddamada Laanta socdaalka ee Madaarka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera ayaa sheegay inay qabteen 12 Caruur ah oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la socday Diyaarada ka soo kicitimtay Magaaladda Muqdisho.

6/28/2012 7:29 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo jeediyeen.

6/28/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasiloonida dalka oo ay ka qayb-galeen boqolaal haween ah ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

6/28/2012 6:57 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Abaabullo ciidan iyo xiisado dagaal oo aad u xoooggan ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Biibi, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

6/28/2012 3:04 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda ayaa ka sheegay in dowladdiisu ay muddo sannad ah ku cirib-tirayso burcadbadeedda haddii la siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

6/28/2012 1:30 AM EST
Khamiis, Juun 28, 2012 (HOL) - Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ay goob colaadeed ahayd muddo ka badan labaatameeyo sano, waxaana dadkii ku dhaqnaa gudaheeda ay dantu ku qasabtay in ay isaga cararaan, si ay naftooda amaan ugu helaan