3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Xiisado Dagaal oo ka Taagan Inta u Dhexeysa Degmada Afmadow iyo Deegaanka Biibi ee Gobolka Jubada Hoose
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Abaabullo ciidan iyo xiisado dagaal oo aad u xoooggan ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Biibi, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Xiisadahan dagaal ayaa ka danbeeyay kadib markii xoogagga Al-shabaab ay ciidamo fara badan oo aad u qalabeysan ay soo dhoobeen deegaanka Biibi oo qiyaastii 30KM u jira degmada Afmadow, waxaana ay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan.

War kasoo baxay Maamulka Al-shabaab ee gobollada Jubooyinka ayaa lagu sheegay in maalmahan soo socda ay la wareegi doonaan goobihii gacantooda ka baxay ee gobolka Jubada hoose oo ay kamid tahay Degmada Afmadow.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka ayaa sheegay in ciidamadooda ay kaabiga ku hayaan degmada Afmadow oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya oo iskaashanaya.

Dhinaca kale Afhayeenka ciidamada dowladda KMG ee Jubooyinka Max'ed Faarax Daahir oo HOL u waramay ayaa sheegay in ay ka warhayaan abaabullada ciidan ee ay wadaan xoogagga Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ay u diyaargaroobeen weerar kasta oo kaga yimaada.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidamadooda ay ku jiraan foojignaan aad u sareeysa islamarkaasina ay haatan ku suganyihiin meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Biibi ee gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya ayaa dhawaan la wareegay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, waxaana Madax katirsan dowladda Kenya ay sheeegeen in bisha soo socota ee August ay qorsheynayaan in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa dowladda ay gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo oo ah magaalo ay siweyn indhaha ugu hayaan dhinacyada kasoo horjeeda Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya












Click here
6/28/2012 8:39 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka kasoo saaray go'aan ay ku sheegayaan in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.

6/28/2012 8:22 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badan ka sameeyay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.

6/28/2012 7:49 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciiddamada Laanta socdaalka ee Madaarka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera ayaa sheegay inay qabteen 12 Caruur ah oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la socday Diyaarada ka soo kicitimtay Magaaladda Muqdisho.

6/28/2012 7:29 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo jeediyeen.

6/28/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasiloonida dalka oo ay ka qayb-galeen boqolaal haween ah ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

6/28/2012 7:01 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay odayaasha dahaqanka ee ku shirsan Muqdisho qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la qorsheynayo in bisha soo socota la ansixiyo.

6/28/2012 3:04 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda ayaa ka sheegay in dowladdiisu ay muddo sannad ah ku cirib-tirayso burcadbadeedda haddii la siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

6/28/2012 1:30 AM EST
Khamiis, Juun 28, 2012 (HOL) - Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ay goob colaadeed ahayd muddo ka badan labaatameeyo sano, waxaana dadkii ku dhaqnaa gudaheeda ay dantu ku qasabtay in ay isaga cararaan, si ay naftooda amaan ugu helaan