4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 2 , 2012
Jen. Dhego-badan iyo Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo lagu weeraray inta u dhexeysa Muqdsiho iyo Afgooye

Sabti, June 02, 2012 (HOL) — Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) iyo taliyaha ciidamada nabadsugidda DKMG ah. Jen. Khaliif Axmed Ereg ayaa maanta lagu weeraray jidka Muqdisho iyo Afgooye u dhexeeya, waxaana mas'uuliyadda weerarradaas sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Weerarkii koowaad oo ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho ayaa waxaa lagu qaaday gaadiid uu watay abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, waxaana dagaalku uu socday muddo saacad ka badan.

"Laba askari ayaa iiga dhaawacmay dagaalka, wuxuuna ahaa weerar naf la carar ah," ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo wariyeyaal kula hadlay deegaanka Siinka-dheer markii uu dagaalku dhammaaday.

Weerarkii labaad oo isaguna ka dhacay deegaanka Lafoole ayaa waxaa lagu qaaday gaadiid uu watay taliyaha ciidamada nabadsugida DKMG ah ee gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Ereg, lama oga khasaaraha ka dhashay, balse waxaa la arkayay gaari ay wateen ciidamada nabadsugidda oo goobtaas lagu gubay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Lafoole ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid xooggan, waxaana dadku ay sheegeen in gaarigii la gubay meesha laga jiiday, mana jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda oo dagaalladan ku saabsan.

Saraakiil u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in weerarradan ay ahaayeen kuwo ay ku beegsanayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo xusay inay ku dileen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Weerarradan ayaa waxay imaanayaa iyadoo Talaadadii lasoo dhaafay ay xoogagga Al-shabaab weerar ku qaadday gaadiid uu watay madaxweynaha DKMG Soomaaliya oo kasoo laabtay booqasho uu ku tagay degmada Afgooye.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya