4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Ciidammo ka tirsan kuwa badda Puntland oo la baxsaday Markab ay horay u soo qabteen isagoo Shamiito daadinaya
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Markab la yiraahdo MV Daesan oo waddanka waqooyiga Kuuriya laga leeyahay oo 18-kii bishii hore ee November ay ciidamada badda Puntland kasoo qabteen meel dhowr iyo toban mayl u jirta Boosaaso xilli uu badda sibir (Shimiito) ku daadinayay ayaa lala baxsaday.

Markabka oo markii lasoo qabtay la keenay dekedda Boosaaso waxaa la sheegay inay xalay la goosteen askartii ilaalada ka ahaa, waxayna dhamaantood ka tirsan yihiin ciidamada badda Puntland.

Askarta markabka la baxsaday ayaa waxaa tiradooda lagu sheegay sideed askari inkastoo maamulka Puntland aysan weli ka hadlin, sidoo kalena ma jiraan faahfaahin intaas ka badan oo laga helay qaabka markabka loola baxsaday iyo ujeeddada ay ka leeyihiin la baxsaday.

Markabka ayaa waxaa saaran 33 shaqaale ah oo u badan Aasiyaan, iyadoo markabkan uu markiisii hore ka tagay Muqdisho waxaana la sheegay in shamiito ay biyo gaareen uu ku daadinayay meel ku dhow Boosaaso markii la qabanayay.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli muddo laba toddobaad ka hor ah ay ciidamo ka tirsan kuwa badda Puntland oo doonaya inay soo furtaan markabka MV-ice berg iyo koox burcad-badeed ahi uu dagaal ku dhexmaray xeebta degmada Garacad ee gobolka Mudug.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya