Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar oo ah siyaasi horay xilal kala duwan uga soo qabtay Puntland, dhawaanna sheegay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxtinimada ee Puntland ayaa waraysi uu maanta oo Arbaca ah bixiyay kaga hadlay arrimo badan.
Siyaasigu wuxuu sheegay in Puntland ay xiligan ku jirto xaalad adag, isla markaana ay tahay in wax laga qabto, isagoo ugu baaqay Isimada iyo waxgaradka inay isu taagaan sidii dhibka jira xal loogu heli lahaa; waa sida uu hadalka u dhigaye.
"Puntland meel adag bay maraysaa, maalin ay ka xuntahay maanta horay uma soo marin, Isimada waxaan leeyahay hawshiinii ayaa taagan, waana inaad arinta soo fara gelisaan, Puntland waxay maanta la mid tahay sidii doon badweynta ku luntay" Gen. Samatar ayaa yiri.
Mar wax laga weydiiyey muddada sanadka ah ee goleyaasha dowladda loogu daray, wuxuu sheegay in aysan taasi sharci lahayn, islamarkaana aan sinaba loo aqbali karin, isagoo taas ka hadlaya waxuu yiri: "Sharciga uu Cabdiraxmaan Faroole ku dhaartay waa 4-sano, anagu 8-da Janaayo doorasho ayaan sugeynaa, Baarlamaankana sharciyaddii way ka dhacday".
Dastuurka Puntland ee la ansixiyey bishii April ee sanadkan mar uu ka hadlayeyna wuxuu sheegay in Dastuurka ay ku lifaaqan yihiin qodobo aan sharci ahayn, qaabkii lagu ansixiyeyna uu ahaa mid aan munaasib ahayn. Dhinaca xoriyatul-qowlka, wuxuu tilmaamay in xukuumaddu ay caburin aad ah ku hayso dadka, isagoo xusay in ay jiraan dad badan oo la xiray iyo qaar badan oo loo diidey in ay shirar qabsadaan.
Cabdilaahi Siciid Samatar oo horay usoo noqday taliyaha ciidamada Booliska iyo wasiirka amniga ee Puntland wuxuu kamid yahay siyaasiyiinta sida aadka ah u dhaliila xukuumadda madaxweyne Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole. Wuxuuna horay u shaaciyey in uu yahay musharax u taagan xilka madax-tinimada ee Puntland.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
JEN. SAMATAR: "Puntland waxay ku jirtaa xaalad adag, waxayna la mid tahay sidii doon bad-weynta ku luntay"
More News
- UNHCR iyo Xukuumadda KENYA oo Isku Afgartay in Qaxootiga Soomaalidu ay Tagaan Xeryaha Kakuma ama Dadaab
- Ciidammo ka tirsan kuwa badda Puntland oo la baxsaday Markab ay horay u soo qabteen isagoo Shamiito daadinaya
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Beesha Caalamku waa inay naga caawiso wixii aan innagu doonayno"
- Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland oo iska Foogeeyey Eedeynta Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar
- Hay'adda UNHCR oo sheegtay inay sii wadayso diiwaan-gelinta Qoxootiga ku sugan gudaha dalka Kenya
- Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo sarkaal ku dhaawacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed dil iyo dil ugu geystay xarunta dalka Tansaaniya ee Daarusalaam
- Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha samalka oo ka wadahadllay lacago gargaar ah oo la waayay Halkay mareen
- Dowladda Kenya oo Qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ku amartay in ay ku laabtaan Xeryaha Qoxootiga
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay oo ka gadooday Mushaar la'aan