4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Beesha Caalamku waa inay naga caawiso wixii aan innagu doonayno"
Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa maanta ku qaabilay madaxtooyada Soomaaliya ergayga gaarka ah ee Qaramada Middobay u qaabilsan arrimaah Soomaaliya danjire, Augustine Mahiga.

Kulankaas ayaa waxaa uu madaxweynaha kaga hadlay dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin, xal u helida dhallinyarada da’da yar ee kasoo baxaya Al-Shabaab iyo doorka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

"Innagu waan u baahan-nahay in beesha caalamku na saaciddo, balse wixii innagu aan doonayno waa inay naga saaciddaa,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya sida lagu sheegay warsaxaafadeed kulanka kaddib kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Madaxwenyanaha ayaa sidoo kale ka dalbaday ha'yadaha Qaramada Midoobay inay hay'ad walba la shaqeyso wasaaradda ay isku shaqada yihiin si taasi ay wasaaradaha ugu fududeyso howlaha horyaalla.

Dowladda Soomaaliya oo ah mid joogto ah ayaa madaxdeedu waxay dhowr jeer oo hore ku celceliyeen in dalalka caawinaya Soomaaliya ay bedelaan qaabkii ay horay ugu caawin jireen, iyagoo dalbaday in dowlad walba ay si toos ah u caawiso Soomaaliya.

Kulankan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh ay boqol maalmood jirsatay tan iyo markii lasoo xulay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dowladda laga sugayo inay afarta sano ee soo socota wax ka qabato ammaanka, dib u dhiska dalka iyo sidii maqaamkii Soomaaliya loosoo celin lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya