Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Hay'adda qoxootiga adduunka ee UNHCR ayaa sheegtay inay sii wadayso diiwaan-gelinta qoxootiga ku nool magaalooyinka Kenya, iyadoo dowladda Kenya ay dhawaan sheegtay inay xirtay xafiisyadii lagu diiwaan-gelin jiray qoxootiga.
Afhayeenka UNHCR, Mr. Emmanuel Nyabera ayaa sheegay in hay'addoodu ay sii wadi doonto howsha lagu diiwaangelinayo qoxootiga soo galaya Kenya iyo kuwa ku sugan gudaha Kenya. Wuxuuna xusay inay u fidinayaan taageero caafimaad.
"Howlaha aan ku caawinayno qoxootiga ma joojinayno, laakiin wadahadal ayaa inoo socda innaga iyo xukuumadda Kenya," ayuu yiri Lamented oo ka mid ah saraakiisha hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR.
Mr. Nyabera ayaa sheegay in laba maalmood oo kulammo ah kaddib ay xukuumadda Kenya go'aansatay inay joojiso diiwaangelinta qoxootiga ku sugan magaalooyinka, balse waxay ogolaatay in arrimaha ku saabsan aqoonsiga qoxootiga laga soo billaabo xeryaha.
"Innagoo tixgelinayna sharciyada qoxootiga waan kala hadlaynaa dowladda Kenya go'aankii ay gaartay, weli waxaa socda wada-xaajood ku saabsan tallaabada ay qaadatay Kenya, waxaana wadahadalka ku jira in la sugo ammaanka iyo in la ilaaliyo xuquuqda qoxootiga," ayuu yiri Nyabera.
Ugu dambeyn, afhayeenku wuxuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay: "Qoxootiga Soomaalida ah ee Kenya soo galaya dhibaatooyin badan ayay soo maraan, sidoo kale ma ahan mid la isku halleyn karo ammaanka xuduudaha labada dal."
Qoxootiga Soomaalida ah ee ku nool dalka Kenya ayaa tiradooda lagu sheegay inay gaarayaan 1.1 milyan iyadoo 735,800 oo qoxooti ah ay fursad u heleen inay iska diiwaangeliyaan xafiisyada hay'adda qoxootiga adduunka ee UNCHR.
Hadalka UNCHR ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhawaan uu saxaafadda ka sheegay madaxa waaxda arrimaha qoxootiga Kenya, Badu Katelo uu ugu baaqay qoxootiga ku nool magaalooyinka inay dib ugu laabtaan xeryaha qoxootiga Kenya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adda UNHCR oo sheegtay inay sii wadayso diiwaan-gelinta Qoxootiga ku sugan gudaha dalka Kenya
More News
- UNHCR iyo Xukuumadda KENYA oo Isku Afgartay in Qaxootiga Soomaalidu ay Tagaan Xeryaha Kakuma ama Dadaab
- Ciidammo ka tirsan kuwa badda Puntland oo la baxsaday Markab ay horay u soo qabteen isagoo Shamiito daadinaya
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Beesha Caalamku waa inay naga caawiso wixii aan innagu doonayno"
- Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland oo iska Foogeeyey Eedeynta Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar
- JEN. SAMATAR: "Puntland waxay ku jirtaa xaalad adag, waxayna la mid tahay sidii doon bad-weynta ku luntay"
- Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo sarkaal ku dhaawacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
- Kooxo hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed dil iyo dil ugu geystay xarunta dalka Tansaaniya ee Daarusalaam
- Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha samalka oo ka wadahadllay lacago gargaar ah oo la waayay Halkay mareen
- Dowladda Kenya oo Qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ku amartay in ay ku laabtaan Xeryaha Qoxootiga
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay oo ka gadooday Mushaar la'aan