Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Askari ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa baqonimadii maanta ku dhaawacay afaafka hore ee madaxtooyada sarkaal ka tirsanaa xarunta madaxtooyada, iyadoo askariga uu markiiba goobta ka baxsaday.
Sarkaalka la dhaawcay ayaa waxaa magaciisa lagu soo gaabiyay Ibraahim Iidoow wuxuuna ka mid ahaa sida la sheegay saraakiisha madaxtooyada, lamana oga sababta keentay in askariga uu dhaawac u geystay, balse warar ayaa sheegaya in intii falka uusan dhicin uu muran dhexmaray askariga iyo sarkaalka la toogtay.
Dhaawaca sarkaalka ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka, iyadoo goobta uu ka dhacay falka ay gaareen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda, inkastoo askarigii falka geystay uu markiiba goobta ka baxsaday.
"Askariga rasaas badan ayuu ku furay sarkaalka, markiina goobta ayuu ka baxsaday isagoo qorigiisa wata," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa meel ku dhow halka uu falku ka dhacay oo saxaafadda la hadlay.
Wararka qaarkood ayaa waxay sheegayaan in sarkaalka la dhaawacay uu ka mid ahaa saraakiisha xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, balse ma jiro hadal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha baarlmaanka, kaasoo ku aaddan dhaawaca loo geystay sarkaalka.
Dhaawaca sarkaalka ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan uu askari ka tirsan ciidamada dowladda dhaawac ugu geystay Muqdisho taliyaha ciidamada ilaalada waddooyinka, Jen. Cali Xirsi Barre (Cali-gaab).
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo sarkaal ku dhaawacay Afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya
More News
- UNHCR iyo Xukuumadda KENYA oo Isku Afgartay in Qaxootiga Soomaalidu ay Tagaan Xeryaha Kakuma ama Dadaab
- Ciidammo ka tirsan kuwa badda Puntland oo la baxsaday Markab ay horay u soo qabteen isagoo Shamiito daadinaya
- MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA: "Beesha Caalamku waa inay naga caawiso wixii aan innagu doonayno"
- Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland oo iska Foogeeyey Eedeynta Jen. Cabdilaahi Siciid Samatar
- Hay'adda UNHCR oo sheegtay inay sii wadayso diiwaan-gelinta Qoxootiga ku sugan gudaha dalka Kenya
- JEN. SAMATAR: "Puntland waxay ku jirtaa xaalad adag, waxayna la mid tahay sidii doon bad-weynta ku luntay"
- Kooxo hubeysan oo Ganacsade Soomaaliyeed dil iyo dil ugu geystay xarunta dalka Tansaaniya ee Daarusalaam
- Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Hay'adaha samalka oo ka wadahadllay lacago gargaar ah oo la waayay Halkay mareen
- Dowladda Kenya oo Qoxootiga Soomaalida ee dalkeeda ku nool ku amartay in ay ku laabtaan Xeryaha Qoxootiga
- Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay oo ka gadooday Mushaar la'aan