4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 19, 2012
Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay oo ka gadooday Mushaar la'aan

Arbaco, December 19, 2012 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo tiradooda lagu sheegay in ka badan boqol askari ayaa sameeyay gadood, kuwaasoo sheegay inaysan wax mushaaraad iyo xuquuq ah ka helin dowladda Soomaaliya muddo bilooyin ah.

Taliyaha booliiska gobolka Bay, Mahad C/raxmaan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay sameeyeen gadood, wuxuuna sheegay inay ka cabanayaan xuquuq la'aan dhinaca dowladda Soomaaliya ah.

"Way jiraan in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay sameeyeen gadood, waxay sheegayaan inay musharaaad iyo xuquuqo kale ka helin dowladda muddo toddoba bilood ah," ayuu yiri Col. Mahad.

Ciidamadan gadoodka sameeyay ayaa isbaaro dhigtay maanya-fuulka oo dhinaca bari kaga beegan degmada Baydhabo, waxaana saraakiisha hoggaaminaya ciidanka ay sheegeen inaysan ciidamadu helin wax daryeel ah, taasna ay keentay inay gadoodka sameeyaan.

Isbaarada ay ciidamadan dhigteen ayaa waxay gaadiidka kaga qaadanayaan lacago iyadoo tani ay dhabar-jab ku noqonayso howlaha ay dowladdu ku doonayso inay ku sugto ammaanka guud ee dalka, kuna dardar-geliso dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Tallaabada ay ku dhaqaaqeen ciidamadan ayaa kusoo beegmaya xilli uu wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya maalmo ka hor tagay degmada Garbahaarreey isagoo sheegay in ciidamada gobolkaas ku sugan loo billaabayo mushaar iyo inay helaan xuquuqdooda bil walba.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay gobollada ay ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee Itoobiya horumarka ka gareen tan iyo billowgii sannadkan, waxayna hadda gacnta ku hayaan afar degmo oo gobolka Bay ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya