Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay inay toddoba isbaaro ka qaadaan degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, iyadoo sidoo kalena ay ciidamadu qabteen kooxihii isbaarooyinka ay u yaalleen degmooyinkaas iyo dabley kale.
Howgalkan oo ay uu hoggaaminayay taliyaha nabadsugidda gobolka Banaadir Col. Khaliif Axmed Ereg ayaa waxaa lagu qaaday isbaarooyin yaallay degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo dhinaca waqooyi ee Muqdisho ku yaalla.
"Waxaan ku guuleysannay inaan qaadno toddoba isbaaro, waxaana sidoo kale ku qabanay howgalka kooxihii ay isbaarooyinkaas u yaalleen iyo kooxo kale oo hub ku sitay magaalada, kuwaasoo ay ku jiraan xubno Al-shabaab ka tirsan," ayuu yiri Col. Ereg oo saxaafadda la hadlay howgalka kaddib.
Howgalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyay inaysan jiri karin isbaaro lacago lagu qaado oo dhextaalla magaalada, isagoo sheegay in sidoo kale la joojiyay lacagihii ay qaadi jireen maamulka gobolka iyo wasaaradda maaliyadda.
"Dad kala duwan ayaa gacan nagu siiyay inaan isbaarooyinka qaadno, sidoo kalena aan helno hub ay Al-shabaab qabsadeen, waxaana shacabka ku boorrinaynaa inay sii wadaan gacanta ay siinayaan ciidamada ammaanka," ayuu Ereg mar kale yiri.
Sarkaalkan haysta nabadsugidda gobolka Banaadir ayaa sheegay in howgalladan ay yihiin kuwo magaalada looga sifeynayo isbaarooyinka iyo in gaadiidka lacago sharci-darro ah laga qaado.
Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadu ay maalinta berri ah u socdaan degmada Wadajir halkaasoo ay yaallaan isbaarooyin fara badan, iyadoo wararka laga helayo degmadaasna ay sheegayaan in ciidamada jooga isbaarooyinka la xoojiyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Ammaanka oo ku guuleysatay inay qaadaan Isbaarooyin yaallay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir
More News
- Khasaare ka Dhashay Rasaas lagu Furay Dad kusoo Xoomay Sanduuq Codbixin ah oo la Geeyay Degmada Lughaye
- Wasiirada Arimaha Dibedda ee Soomaaliya oo Nayroobi Kula Kullantay Dhiggeeda Dalka Kiinya (SAWIRO)
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta la kulmay Wafdi ka socday dalalka Yurub
- Guddoomiyihii Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobollka Hiiraan oo lagu dilay bartamaha Magaalada Baladweyne
- Afhayeenka AMISOM oo shaaciyay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ay dib ugu laaban doonaan Xuduudda
- Hay'adda ILO oo Muqdisho ka Furtay Tababar lagu Tayeynayo Injineerrada Degmooyinka Gobolka Banaadir
- Horyaalkii 13-aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu
- Booliiska waddanka Kenya oo sheegay inay qabteen ruux ay uga shakiyeen inuu ka dambeeyay dilka Askar Kenya ah
- Wefdi uu Hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka XAQSOOR oo xalay lagu afduubay Gobolka Sool oo dib xorriyadiisii u helay
- Howgal dad badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Uganda oo sheegtay in Kumannaan ciidammo ah oo cusub ay ku xoojinayso howgalka AMISOM ee Soomaaliya