Talaado, November 27, 2012 (HOL) — Wefti u hogaaminay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee urur siyaasadeedka XAQSOOR oo xalay maleeshiyo ka tirsan Khaatumo State ku afduubteen meel u dhow degmada xudun ee gobolka Sool, ayaa saacado ka dib xoriyadoodii dib loogu soo celiyey.
Masuuliyiintan oo ka soo kicitimayey shalay magaaladda Ceerigaabo oo hawlaha doorashooyinka u tagayey degmada Xudun ee gobolak Sool, ayaa la sheegay inay anbadeen oo ay wadadii ka leexdeen, isla markaana ay u galeen deegaanka ay ka taliyaan khaatumo state, taasina ay keentay inay maleeshiyo ka tirsan Khaatumo afduubtaan,balse markii masuuliyiinta Khaatumo is arkeen markiiba la siidaayey masuuliyiintii ururka XAQSOOR.
Ilaa hadda ma kala cadda sababta dhabta ah ee loo siidaayey, waxaase wararku sheegeen in markii ay masuuliyiinta xaqsoor ka tirsan iyo masuuliyiinta Khaatumo wada hadleen la iska siidaayey, sidaasna ay xoriyadoodii ku heleen, waxaanay saaka subaxii yimaadeen magaaladda Laascaanood oo hawlihii doorashooyinka ee ay u socdeen ka wadaan.
Weftigan uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee ururka XAQSOOR Cali Maxamuud Axmed(Cali Sandule) ayaa watay laba gaadhi, kuwaas oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan ururka XAQSOOR.
Masuuliyiintan la afduubtay ayaa wax dhibaato ah loo geysan, isla markaana markiiba la siidaayey iyagoo caafimaad qaba, imikana ay ku sugan yihiin magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool.
Waa markii ugu horaysay ee masuuliyiin ka tirsan ururada siyaasada oo lagu afduubo meelo ka tirsan Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Wefdi uu Hoggaaminayay Guddoomiye ku xigeenka XAQSOOR oo xalay lagu afduubay Gobolka Sool oo dib xorriyadiisii u helay
More News
- Khasaare ka Dhashay Rasaas lagu Furay Dad kusoo Xoomay Sanduuq Codbixin ah oo la Geeyay Degmada Lughaye
- Wasiirada Arimaha Dibedda ee Soomaaliya oo Nayroobi Kula Kullantay Dhiggeeda Dalka Kiinya (SAWIRO)
- Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta la kulmay Wafdi ka socday dalalka Yurub
- Guddoomiyihii Golaha Odayaasha Dhaqanka ee Gobollka Hiiraan oo lagu dilay bartamaha Magaalada Baladweyne
- Ciidamada Ammaanka oo ku guuleysatay inay qaadaan Isbaarooyin yaallay Degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir
- Afhayeenka AMISOM oo shaaciyay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baladweyne ay dib ugu laaban doonaan Xuduudda
- Hay'adda ILO oo Muqdisho ka Furtay Tababar lagu Tayeynayo Injineerrada Degmooyinka Gobolka Banaadir
- Horyaalkii 13-aad ee Kubadda Gacanta oo ka furmay Muqdishu
- Booliiska waddanka Kenya oo sheegay inay qabteen ruux ay uga shakiyeen inuu ka dambeeyay dilka Askar Kenya ah
- Howgal dad badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose
- Uganda oo sheegtay in Kumannaan ciidammo ah oo cusub ay ku xoojinayso howgalka AMISOM ee Soomaaliya