Axad, March 04, 2012(HOL) - Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee ku sugan Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay isu soo dhibeen dagaalyahanno katirsan Xoogagga Al-shabaab, iyadoona dowladdu ay sheegtay in tirada ciidamada isa soo dhiibay ay gaarayaan ilaa 10.
Col. Cabaas Aadan Gureey, oo kamid ah Saraakiisha hogaamineysa ciidamada dowladda KMG ee Gobolka Gedo ayaa HOL u sheegay in ragga isa soo dhiibay ay gaarayeen ilaa 10 askari oo hore uga tirsanayd dagaalyahannada Alshabaab ee Gobolka Gedo.
Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada isa soo dhiibay ay kasoo baxsadeen saldhig ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen duleedka degmada Garbahaareey, wuxuuna xusay in ay ku hubeysnaayeen qoryaha fudfudud ee loo yaqaan AK47.
Col. Cabaas ayaa intaasi ku daray in ay cafis u fidinayaan ciidamada isa soo dhiibay, isagoona ugu baaqay dhalinyarada kale ee ka barbar dagaalanta xarakada Al-shabaab in ay isaga soo baxaan islamarkaasina kamid noqdaan dowladda KMG ee Soomaaliya.
Ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan hadalka kasoo yeeray saraakiisha dowladda KMG ee gobolka Gedo oo kasoo baxay dhanka xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobolkaasi.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee gobolka Gedo ay sheegaan in ay isu soo dhibeen rag kasoo goostay xoogagga Al-shabaab, haseyeeshee hadalkani ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka Gedo ay ka jiraan xiisado dagaal oo aad u culus oo u dhexeeya ciidamada Dowladda KMG oo garabsanaya kuwa Ahlusunna iyo Xarakada Al-shabaab.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Saraakiisha Dowladda KMG ee Gobolka Gedo oo Sheegtay in ay isu soo Dhiibeen Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab
More News
- Farmaajo oo Holland ugu dhawaaqay urur siysaasadeed (SAWIRRO)
- Wasiirka Maaliyadda Somaliland oo golaha Wakiiladda faah-faahin ka siiyey Odoroska Miisaaniyadda Sanadkan iyo mashaariicda Horumarineed ee ku jirta
- Maamulka Dooxada Shabeelle oo ka hadllay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay Beledweyne
- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Canada oo ka qayb-galay Xaflad dhaqaale loogu ururinayay Soomaaliya
- Dagaal ka dhacay Degmada Baladxaawo iyo Al-shabaab oo qabsatay deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada Hoose
- Kenya oo sheegtay inay ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya marka la gaaro bisha Oktoobar ee sannadkan
- Maydadka dhallinyaro la gowracay oo saakay lagu arkay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellada dhexe