Axad, Maarso 04, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay dagaal culus oo saakay aroortii hore ku dhexmaray gudaha iyo daafaha degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Ahlusunna iyo xoogagga Al-shabaab.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Baladxaawo ayaa sheegay in dagaalku uu ku billwoday markii weerarro gaadmo ah lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen cidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna.
"Dagaalku wuxuu ku fiday magaalada iyo daafaheeda, waxaana aragnay maydadka saddex ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ka mid ah," ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Baladxaawo oo ka gaabsaday inuu magaciisa sheego.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinacyadii uu hardanku u dhexeeyay iyadoo dagaalkan uu noqonaya kii ugu horreeyay oo sannadkan ay ku qaadaan xoogagga Al-shabaab degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.
Dhanka kale, xoogagga Al-shabaab ayaa aroornimadii hore ee saakay la wareegay gacan ku haynta deegaanka Diif ee gobolka Jubbada hoose, iyadoo uusan wax dagaal ahi dhicin.
Shacabka ku nool deegaanka Diif ee gobolka Jubbada hoose oo u jirta soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya wax ka yar shan KM ayaa sheegay inay saakay kusoo tooseen calamo madow oo magaalada ka bannanaya iyo ciidamada Al-shabaab oo magaalada oo dhan ku sugan.
Ciidamada Kenya ayaa waxay gudaha u soo galeen Koonfurta Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore, xilligaasoo ay ku dhawaaqeen dagaal ay la galayaan Al-shabaab, balse waxaa weli muuqata inay jirto khatartii sababtay inay gudaha u soo galaan Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya