Ciidamada AMISOM oo sheegay inay daweynayaan mid ka mid ah Xoogagga Al-shabaab oo ku dhaawacmay dagaal

Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay isbitaal ay ku leeyihiin Muqdisho ku daweynayaan mid ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab oo laba casho ka hor ku dhaawacmay weerar ay Al-shabaab ku qaadeen saldhig ay AMISOM ku leedahay isgoyska ex-koontarool balcad.

AMISOM ayaa sheegtay in dagaalyahankan uu ku dhaawacmay weerarkaas uuna isku qarinayay muddo saacado ah meel ku dhow saldhiggaas, ugu dambeynna ay heleen ciidamada Uganda ee halkaas ku sugan.

"Dagaalyahanku wuxuu ka dhaawacmay lugta," ayuu yiri Col. Peter Omola oo ah ku xigeenka taliyaha kooxda sagaalaad ee ciidamada Uganda oo ka tirsan AMISOM. "Wuxuu isku qarinayay illaa gallinkii dambe ee Sabtida meel ku dhow saldhigga, ciidamadeenna oo baaris sameynaya ayaana helay."

Ruuxan oo aan magaciisa la sheegin ayay saraakiisha AMISOM u hadlay waxay sheegeen in markiiba loosoo qaaday isbitaalka ay ku leeyihiin xerada Xalane oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Muqdisho halkaasna lagu daweynayo.

Taliyaha ciidamada AMISOM, Jen. Fred Mugisha ayaa ugu baaqay Al-shabaab inay hubka dhigaan ayna kusoo biiraan hannaanka nabad raadinta Soomaaliya.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay horumar ka sameeyeen dhinaca dib u heshiisiinta bulshada, waxayna hadda diyaar u yihiin inay ka qaybqaataan dhismaha hay'adaha dalkooda," ayuu yiri Jen. Mugisha, isagoo ugu baaqay kuwa weli wada dilalka dadka aan waxba galabsan, haweenka iyo caruurta in loo ciqaabi doono dambiyadooda.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah oo iskaashanaya ayaa waxay tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii hore waxay wadeen isballaarin ay ku sameynayaan Muqdisho, kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay ku dhawaaqeen inay xeelad dagaal uga baxeen qaybo ka mid ah Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya