Talaado, Maarso 13, 2012 (HOL) — Isku-shaandheyn kooban ayaa lagu sameeyay hogaanka sare ee maamulka Al shabaab ee gobbolada Jubbooyinka xiili xarakada Al shabaab ay furumo dagaal oo aad u badan ay ugu furanyihiin gobollada Jubbooyinka iyo qeybo katirsan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya.
Masuulyiin badan oo Al shabaab ka socda ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay ku suggnaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose kuwaasoo ku howlanaa sidii ay dib u habeyn ugu sameyn lahaayeen hogaanka sare ee maamulka Al-shabaab ee Jubooyinka.
Waxaa la badalay Sheekh Abukar Cali Aadan oo labadii sano ee ugu dambaysay hayay xilka gudoomiyenimada gobbolada Jubooyinka ee Xarakada Al-shabaab, iyadoona gudoomiyaha cusub loo magacaabay Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo horay u ahaan jiray Khaadiga guud ee gobbollada Juubbooyinka.
Gudoomiyihii hore ee Sheekh Abukar Cali Aadan oo ka soo jeeday gobbolka Hiiraan ayaa hadda waxaa lagu badalay Sheekh C/raxmaan Xudeyfa oo isna ka soo jeeda degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana sidoo kale xilka Khaadiga Maxkamadda guud ee Jubooyinka loo magacaabay Macalim Cumar isagu Xilkan oo kale ka hayay maamulka Al-shabaab ee gobolka Banaadir.
Masuulyiinta Kismaayo ku sugan ee isku-shaandheynta ku sameysay maamulka Jubooyinka waxaa ka mid masuulyiin ka socota xafiiska Siyaasada iyo xiriirka gobollada ee Al-shabaab iyadoona masuuliyiintaasi uu kamid ahaa Sheekh Maxamed Dulyadeen.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya