Jimco, Ogoosto 17, 2012 (HOL) — In ka badan 10-hay'adood oo ka mid ah kuwa samafalka Turkiga ayaa uga baxay Muqdisho sababo la xiriira xilliga kala guurka ah ee lagu jiro, balse waxaa weli ku sugan Muqdisho afar hay'adood oo ka shaqeynaya dib u dhiska iskuullada, xarumaha dowladda iyo caafimaadka.
Hay'adaha Turkiga ee ka baxay Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah Kisme Yo Mu oo ka mid ah hay'ad si weyn uga shaqeyn jirtay dhinaca waxbarashada, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horresyay oo hay'adaha Turkiga ay isaga baxaan Muqdisho tan iyo markii ay yimaadeen sannadkii hore.
"Inta badan hay'adihii Turkiga way ka baxeen Muqdisho, waayo waxay ka baqeen in isbedel dhinaca amaanka ah uu dhaco doorashada kaddib, sidoo kale waxyaabaha ay uga baxeen Muqdisho waxaa ka mid ah xaalada siyaasadeed ee Muqdisho ka taagan xiligan," ayuu yiri mid ka mid ah shaqaalaha hay'adaha Turkiga oo diiday in magaciisa aan xiganno.
Sidoo kale, ruuxan shaqaalaha ka mid ah ayaa u sheegay HOL inay weli Muqdisho ku sugan yihiin afar hay'adood oo ay ka mid yihiin TIKA oo horumarinta csaalamka u qaabilsan Turkiga iyo Bisha Cas ee Turkiga oo iyaduna maamusha isbitaallo badan oo Muqdisho ku yaalla.
Hay'adaha Turkiga oo Muqdisho soo gaaray bishii Ogoosto ee sannadkii hore kaddib markii ay dilaaceen abaaro xooggan oo sababay inay dad badan ay kusoo qulqulaan Muqdisho ayaa waxay tani noqonaysaa markii ugu horreysay oo cabsi awgeed ay uga baxaan Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xilligan ka taagan taran doorasho oo aad u adag kaasoo ay u taagan yihiin in ka badan 25-murashax, iyadoo uu shaki ka taagan yahay inuu qabsoomayo xilligii horay loogu qabtay oo ahayd 20-ka bishan iyo in kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Hay'adihii Samafalka ee dalka Turkiga oo intoodii badnaa Xilliga Kala-guurka Awgiis uga baxay Magaalada Muqdisho
More News
- Xaflad lagu taageerayay Murashax Dr C/raxmaan Baadiyow oo lagu qabtay Magaalada Stockholm (SAWIRRO)
- Liiska Xubnaha Barlamaanka Federaalka ee Soomaaliya
- Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjire Mahiga oo kulmay hadalna soo saaray
- Dhallinyaro Qurbaha ka timid oo booqday Xarun lagu Tababaro Dhallinyaro dagaalladu ay saameyn ku yeesheen
- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade oo iska diiday inuu ka mid yahay Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya
- Hay'adda gargaarka Qalam oo Raashin Sakaatul Fidri ah u qaybisay Boqolaal Qoys oo ku nool Baydhabo iyo Hareeraheeda
- Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo bixiyay amar lagu soo xiray Gacan yarihii Suldaanka beesha Tunni
- Xarrakada Al-shabaab oo la wareegtay gadiid siday raashin gargaar ah oo loo waday deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan
- Booliiska AMISOM iyo Booliiska Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo maanta socod ku maray Waddooyinka Muqdisho Qaarkood
- Hay'adda Laanqeyrta Cas ee ICRC oo Gargaar Cunno ah u qaybisay 420,000 oo Qof oo ku nool Magaalada Muqdisho
- Ururka Midowga Afrika oo sheegay in AMISOM aysan Faragelin ku sameyn doonin Doorashada Madaxnimo ee Soomaaliya
- Ururka Al-shabaab iyo Kenya oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Faafax-dhuun ee Gobolka Gedo