Xarakada Al-shabaab oo uga digtay Dowlada iyo Shacabka Sierra Leone inay Askartooda u soo diraan dalka Soomaaliya

Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa uga digtay dowladda Sierra Leone inay ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya, haddii ay dib u ceshan doonto askarteeda oo la dilay.

Sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab oo lagu magacaabo Sheekh Cabdiraxmaan Xudeyfi oo ku sugan gobolka Jubbada hoose ayaa hadalkan ka sheegay idaacad ku hadasha afka Al-shabaab oo ku taalla Kismaayo.

"Haddii aan nahay mujaahidiinta Soomaailya, waxaan u sheegaynaa dowladda iyo shacabka Sierra Leone inaysan wiilashooda u soo dirin Soomaaliya oo ay dagaallo ka socdaan - haddii kale waxay dib u guran doonaan maydadka wiilashooda sida ku dhacday Kenya oo kale," ayuu yiri Sheekh Xudeyfi.

Wuxuuna hadalkiisa ku daray: "Waxaan ula dagaalami doonnaa haddii dalkeenna la keeno sida sida aan ula dagaalamayno ciidamada soo xadgudbay ee Kenya, kuwa AMISOM iyo masiixiyiinta Itoobiya."

Sheekh Xudeyfa wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Kenya aysan awood u lahayn inay sii wadaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, sidaa daradeedna ay u baahan yihiin ciidammo xoojin ah.

"Haddii AMISOM iyo Kenya ay guulo gaari lahaayeen dagaallada ay Al-shabaab kula jiraan uma aysan baahdeen ciidammo uga yimaada dalka Sierra Leone. Tani waxay caddeyn u tahay inay ku guuldareysteen howgallada ay uga soo horjeedaan Islaamka," ayuu sarkaalku hadalkiisa ku daray.

Dowladda Sierra Leone ayaa ku yahoohday 850 askari oo ka mid noqda ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab kuwaas oo la keeno doono Soomaaliya bisha Juun ee soo socota, iyadoo dowladdan aysan wax jawaab ah ka bixin hanjabaadda kasoo yeeray Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya