Talaado, Abriil 17, 2012 (HOL) — Weerar ismiidaamin ah oo sakaay Baydhabo ka dhacay ayaa waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab waxaana ku dhintay hal askari oo la sheegay inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray qaraxaas.
Ruuxa ismiidaaminta fuliyay ayaa wuxuu markii hore isku dayay inuu galo xarun kasoo horjeedday xarunta ay Qaramada Midoobay ay ku leedahay Baydhabo oo ay ku sugnaayeen saraakiil ka tirsan kuwa nabadsugidda DKMG ah, balse waxaa u diiday ilaaladii xaruntaas, isagoo markaas kaddib is-qarxiyay.
"Ismiidaamiyaha markii uu ku guuldarreystay inuu galo xarunta ayuu billaabay inuu cararo isagoo ugu dambeyn isku qarxiyay mid ka mid ah ciidamada nabadsugidda DKMG ah, kaasoo dhaawac soo gaaray awgiis ugu geeriyooday isbitaalka degmada," ayay HOL kasoo xigatay goobjooge iyo sarkaal ka tirsan dowladda KMG ah.
Balse sarkaal ka tirsan xafiiska warfaafinta ee Al-shabaab ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka ayna ku dileen saddex sarkaal oo Itoobiyaan ah iyo mid kale oo Soomaali ah, kaasoo uu ku magacaabay Maxamed Dheere, sarkaal kale oo Soomaali ahna ay ku dhaawaceen.
"Weerarka wuxuu ahaa mid qorsheysan waxaana la beegsannay saldhig ay joogeen saraakiil ka tirsan nabadsugidda DKMG ah iyo kuwa ciidamada Itoobiya, sidii aan ugu talogalnay ayuuna u dhacay," ayuu yiri sarkaalka ka tirsan xafiiska wafaafinta ee Al-shabaab.
Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Baydhabo ayaa qaraxa ku tilmaamay mid aad u xooggan. "Wuxuu ahaa mid aad u xoog badan... waxaana goobta ku arkay qof dhitay," ayay tiri Sacdiyo Nuur oo ka mid ah dadka ku nool degmadaas.
Horraantii bishan ayay ahayd markii weerar loo adeegsaday miino la dhigay suuqa Baydhabo lagu dilay 11-qof oo shacabka in ka badan 30-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.
Ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya oo iskaashanaya ayaa bishii Feberaayo ee sannadkan kala wareegay Al-shabaab degmada Baydhabo oo 250-km u jirta xarunta Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana ismiidaamintan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo degmadaas ka dhacda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya