Madaxweyne Shariif oo shahaado guddoonsiiyay Muwaadin Soomaaliyeed oo howl muhiim ah qabtay


Talaado, March 29, 2011(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaliya Sharif. Sh. Axmed ayaa maanta waxa uu Guddoonsiiyaay Shahaado Sharaf Muwaadin Soomaliyeed oo lagu magacaabo Daahir Cabdullaahi Kediye.

Madaxweynaha ayaa bixiyay shahaaddada kaddib markii uu Daahir Cabdulaahi Kadiye uu door weyn ka qaatay sii deyntii Paul and Rachel Chandler oo ahaa lamanayaal Britain u dhashay oo aye burcad badeeda heysatay muddo dheer. Madaxweynaha ayaa bogaadiyay Mr. Daahir iyo dhamaan dadkii ku wehliyey sii deynta lamaanayaashaas.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka hadlay in ay Shacabka Soomaliyeed abaaro daran oo keenay in ay dad Soomaliyeed iyo xoolohoodiiba  ay gaajo iyo harraad dartiis ay u geeriyodeen, loona baahanyahay in deg deg loo gargaaro dadkaas.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sharif. Sh. Axmed ayaa sheegay in beryahaan  ay soo bateen warqado been abuur ah oo Dowladda laga sameeyo,kuwaasi oo aad u soo laalaabtay, isagoo u digay  cid kasta oo arintaas ku hawlan ciddeey rabto ha noqotee, isla markaasina sharciga la horgeyn doono, ciqaabna ay mudan doonto.


Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
[email protected]
Mogadishu, Somalia