Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah oo xalay lagu dilay qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, Maarso 29, 2011 (HOL) – Ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay afar kale oo qof shacab ah uu ku jiro dhaawacyo ayaa kasoo gaaray laba qarax oo xalay fiidkii lagu weeraray fariisimo ku lahaayeen degmada Dharkeyley ee magaalada Muqdisho.

Bambaanooyinkan ayaa lagu weeraray laba fariisin oo ay ciidamada dowladda kaga sugnaayeen xaafadda Tabakaayo Madow ee degmadaas, waxaana mid ka mid ah laba askari ee dhintay uu u dhintay dhaawac kasoo gaaray weerarka.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley Macallin Cabdulle Cali Hilowle oo saakay la hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyay in weerarradaas ay dhaceen, ayna u hayaan laba qof oo baaritaanno lagu wado, mase jirto cid ay weerarka ku eedeeyeen.

Xaaladda ayaa si dhaqso badan isku badashay markii ay qaraxyadu dhaceen, iyadoo la sheegay in ciidamada dowladdu ay rasaas u fureen jihooyin kala duwan taasoo aan wax khasaare ah geysan.

Dhaawcyada askarta iyo qofka rayidka ah ayaa waxaa la geeyay isla xalay isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, iyadoo aanay jirin cid sheegatay inay weerarkaas ka dambeyso.

Goobjoogayaal la hadlay HOL ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay isku fidiyeen agagaarka fariisimaha lagu weeraray ayna dadweyne badan kala baxeen masjid ay ku tukanayeen oo halkaas ku dhawaa, inkastoo qaarkood ay sii-daayeen.

Weerarkan ayaa qayb ka ah weerarro inta badan ka dhaca degmooyinka ay ciidamada dowladda KMG ah kaga sugan yihiin degmooyinka ay ka maamusho Muqdisho, waxaana qaraxyadaas qaarkood mas'uuliyadooda sheegata Xarrakatu Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka maamusha Muqdisho lix degmo, waxaana dagaal ay doonayso inay kula wareegto guud ahaan degmooyinka Muqdisho ay kula jirtaa Xarrakatul Shabaab oo inta badan degmooyina caasimadda ka talisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya