Axad, 31 July 2011(HOL): Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Khaliif Jire Warfaa ayaa goor dhaweyd lagu dilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Xildhibaanka oo lagu dilay Degmada Xamarweyne ayaa waxaa dilkiisa geystay rag bastoolado ku hubeysan, kuwaasi oo baxsaday markii ay dilka geysteen kaddib. Meesha Xildhibaanka lagu dilay waxaa ka dhow Saldhigga Booliska qeybta Bartamaha Xamar, mana suurtagelin in ciidamada halkaas ku sugan ay qabtaan raggii dilka geystay.
Dad goob-joogayaal ah ayaa HOL u sheegay in Xildhibaanka lagu dilay agagaarka Masjidka Marwaas, isagoo markii la dilayay masjidkaas ku soo tukaday Salaaddii Maqrib. Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ku socday Hotel uu deganaa oo lagu magacaabo novecento (900).
Degmada Xamar-weyne ee Xildhibaanka lagu dilay ayaa waxay tahay meel ay si weyn gacanta ugu heyso Dowladda Soomaaliya, waxaana inta badan degan Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo weliba shaqaalaha kala duwan ee Dowladda. Sidoo kale degmada Xamarweyne ayaa muddooyinkan dambe waxaa loo soo raray ganacsigii Suuqyada Bakaaraha iyo Suuq Bacaad, kaddib markii uu xumaaday ammaanka labadaas Suuq.
Waa Xildhibaankii ugu horreeyay oo ka tirsan Dowadda Soomaaliya oo lagu dilo Magaalada Muqdisho muddo sanad iyo xoogaa ah, wuxuuna dilkiisa ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii aynu ka soo gudubnay ay Muqdisho ka socdeen dagaallo u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al-Shabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in dagaalladan ay dowladda ku qabsatay dhul baaxad leh oo ay horay uga talineysay Xarakada Al-Shabaab.
Dhawaan waxaa qarax miino lagu dilay Wasiirkii Arrimaha gudaha Soomaaliya C/shakuur Shiikh Xasan Faarax, iyadoo ka sii horna Muqdisho iyo Beledweyne lagu dilay wasiirro ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu dilay
More News
- Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed
- Madaxweyne Sheekh Shariif oo maanta la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle (SAWIRRO)
- Ururka HIRDA oo iskuul Waxbarasho oo ku yaala Magaalada Kismaayo ku kordhiyey dhismayaal Cusub (SAWIRRO)
- Xukuumadda dalka Kuwait oo sheegtay in diyaaraddii afaraad oo gargaar wadda ay u direen Soomaaliya
- Ururka Midowga Afirka oo qabanaya shir dhaqaale loogu ururinayo abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya
- Gudiga Gurmadka Abaaraha Soomaaliyeed ee dalka Norway oo deeq gaarsiiyay barakacayaasha xerada Aala-Yaasir
- Wariyaha Hiiraan Online ee Puntland oo maanta laga sii-daayay xabsi uu ku jiray muddo bil ka badan
- Dhaqdhaqaaq Ciidan oo laga Dareemayo Gobolka Jubbada hoose
- Xarrakada Al-shabaab oo sheegtay inay dagaalladii Muqdisho ka dhacay ku dileen sarkaal u dhashay Mareykanka
- Shirweynihii Afaraad ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo lagu doortay hoggaan cusub
- Rabshad ka dhacday Xarunta dhexe ee Xisbiga UCID iyo Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay (SAWIRRO)
- Madaxweyne Shariif oo dadaal ugu jira in wax laga qabto abaaraha iyo colaadaha ka taagan Soomaaliya
- Shirkii Azaaniya oo soo gaba-gaboobay iyo Affey oo ku baaqay in dalka la aado