Shirkii Azaaniya oo soo gaba-gaboobay iyo Affey oo ku baaqay in dalka la aado



Axad, July 31, 2011(HOL) Nairobi- Kenya - Shir muddo 6 maalmood ah uga soconayay magaalada Limuru ugu yaraan 500 oo ah  ergooyinka taabacsan maamulka Azaaniya ayaa ku soo gaga-gaboobay deegaanka Limuru oo 30km u jira caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Shirkaan intuu uu socday ayaa sida ay Hiiraan Online uu sheegeen masuuliyiinta Azaaniya lagu dhammaystiray dhisitaanka golayaasha wakiilada iyo guurtida.

Waxaana shirweynahaan uu kaga duwanaa shirarkii hore kasoo qaybgalka masuulyiin kala duwan oo ka tirsan dawladaha Kenya iyo Soomaaliya oo labaduba taageero uu muujiyay Azaaniya.

Sidoo kalana waxaa halkaas yimid wafdi kasocday maamul goboleedka Puntland oo uu hogaaminayay wasiiru dawlaha madaxtooyada Puntland ee dhanka dawlad wanaagga Maxamed Faarax Ciise  (Gaashaan).

Waxaana  wafdiga Puntland ay shirka ka caddeeyeen in Puntland ay garab taagantahay maamulka Azaaniya.

Sidoo kalana safaaradda Talyaaniga ayaa waxaa shirkan u matalayay  Mrs. Kerlin oo ka tirsan hawl-wadeennada safaaradda Talyaaniga.

Dhanka kale xildhibaan Maxamed Cabdi Affey oo ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka Kenya u qaabilsan sinaanta oo taageeray maamulka Azaaniya ayaa haddana ka dalbaday madaxda maamulkaas inay aadaan dalkooda.

Maxamed Cabdi Affey oo ahaa safiirka Kenya u qaabilsan arrimaha Soomaaliya xilligii dawladdii C/laahi Yuusuf  oo muddo daganayd dalka Kenya ayaa tilmaamay dhibaatada ay leedahay in maamulka Azaaniya uu sii fadhiyo dalka Kenya, iyadooo gudaha hawlo badani u yaallaan.

“Waxaan idin ka codsanayaa inaad dalkiinna aadaan, Kenya waa idin taageersantahay laakiin ma rabno inaad halkaan  iska joogtaan, waa inaad wax u qabataan dalkiinna”. Ayuu yiri xildhibaan Affey.

Shirka ugu soo gaba-gaboobay ergooyinka Azaaniya deegaanka Limuru ayaa intii uu socday lagu dhex arkayay in badan oo ka mid ah xildhibaanada gobolka waqooyi bari ee Kenya oo uu ugu horreeyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Kenya Faarax Macallim  iyo sidoo kale qaar kamid ah mudanayaasha baarlamaanka DKMG ah ee Soomaaliya.




Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi, Kenya