4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 23, 2010
Kulan lagu dhex dhexaadinayo beelo ku dagaallamay nawaaxiga Buuhoodle oo maanta ka furmay tuulada Maygaagle


Odayaasha oo shirka u fadhiya/Sawirka Horseed Media


Talaado, 23 November, 2010 (HOL) − Kulankan ayaa ahaa mid aad u balaaran oo ay isugu yimaadeen odayaal dhaqameed aad u tiro badan,waxaana loogu tala galay in lagu xaliyo colaad dhexmartay beelo ku dagaalamay meelo kamid ah nawaaxiga Buuhoodle.

Waxgaradkii ka soo qayb galay shirkaasi oo maanta ka furmay tuulada Maygaagle waxaa ka mid ahaa Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, Garaad C/laahi Garaad Soofe iyo waxgarad kale oo tiro badan ,kuwaasi oo qaar kamid ah uga yimid shirka wadanka intiisa kale.

Shirka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Kalshaale,waxaan inta uu socdo lagu lafa guri doonaa arimo la xiriira dhex dhexaadinta colaadaha u dhaxeeya beelaha dagaalamay.

Garaad C/laahi Garaad Soofe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in lagu guulaysan doono xalinta colaadaha jira si looga gudbo dhibaatooyinkii horay u soo dhacay.

Odayaasha dhaqanka degmada Buuhoodle ayaa si wayn u soo dhaweeyay ergay dhowr xubnood ka koobnaa oo tuulada u yimid in ay ka qayb qaataan nabadaynta labada beelood ee walaalaha ah.

Ugu danbayntii waxaa kulankaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo la xiriira nabaydaynta labada beellood,waxaana lagu heshiiyay xabad joojin dhexmarta labada dhinac ee ay dirirtu ka dhaxayso ,iyadoo laga digay cid siyaasada ku shuqul leh in ay nabadayntan soo faragaliso.

Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya